“Xukuumada Siilaanyo Wax Bay Qabatay oo Lama Dafiri karo, Dhaliilna Way Leeyihiin”

0
390

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,  ayaa ka digay in lagu daegdego  hirgelinta  Diiwaan-gelinta  Madaniga ah iyo ta  codbixiyeyaasha si aanay ula mid noqon diiwaan-gelintii sanadkii 2008 la sameeyay oo ay   markii dambe golaha  Wakiiladu  laaleen.
 
Waxaanu tilmaamay in ka hor inta aan  wax doorasho ah la gelin in ay ka  fiican tahay in marka hore la sameeyo diiwaan-gelin rasmi ah. waxaanu soo jeediyay xukuumadda iyo xisbiyadaba  in aan lagu dagdagin qabashada diiwaanelinta madaniga ah iyo codbixiyeyaasha si aanay u fashilmin sidii hore.
 
Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sidan ka sheegay waraysi uu  todobaadkan  la yeeshay  Telefishanka   Universal, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Illaahay waxa aan ka rejaynayaa in aynu helno diiwaangelin rasmi ah,  waxaanan   leeyahay deg-dega aan joojino. diiwaangelintii aanu samaynay 2008 waa tii liicday, maantana  tii ayaan ka digayaa waar inta doorasho lagu deg-degayo  diiwaangelin rasmi ah  aynu samaysano”.
Dhinaca kale Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu   sheegay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo dalka ka fulisay waxqabad aan la dafiri Karin, kuwaasi oo ay ka mid yihiin  uu ku tilmaamay in ay ka mid yihiin miisaaniyada kor loo qaaday dhismayaasha cusub ee wasaaradaha iyo tirada shaqaalaha ee  la kordhiyay.
 
“Xukuumadan Axmed Siilaanyo wax bay qabteen oo lama dafiri karo,  dhaliilna way leeyihiin oo adduunku ma dhamaado miisaaniyada qarankana wax bay ka qabteen kordhinteedii , dhismayaasha dawladana aad bay u dhiseen, waxa aynu nahay dawlad curdina  oo wali u baahan wax badan maadaama oo dadkeenii shaqo la’yihiin laakiin shaqaalihiina way kordhiyeen oo xaasidi maayo oo odhan maayo waxba may qaban”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenkii hore.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay madaxweyne ku xigeenkii hore    in lacagta xukuumadda u soo xaroota lagu bixiyo ciidamada iyo nabadgelyada, waxaana uu yidhi “Waxaan ku odhan karaa waxa ka soo baxa qaranka waa mushaharooyin, waxa ugu badan ee ay galaana waa xaga ciidanka iyo nabadgelyada, waxa weeye ninka musuqa samaynaya waa in la cadeeyo dawladaha horumaray ayaa leh musuqmaasuq laakiin inagu waxa aynu hayno ayaa yar, haddii aan xaqiiqda laga fogaanan laakiin iyadoo waxba la qaadan lama yidhaahdo wax baad cuntay.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply