Booliiska Ingriiska ayaa xidhay nin caruus ah oo lagu magacaabo Zubair Khan una dhashay dalka Pakistan, ka dib markii uu ilaabay magaca gabadha uu guursanayo oo u dhalatay Hungray. Curuuskan oo xafiiska diiwaangelinta Ingriisku ka qoryay xogta guurka ayaa soo saari waayay magaca gabadhiisa sida ay baahisay saxaafaddu. Ninkan oo ay da’diisu tahay 28 jir ayaa doonayay inuu xafiiska ka diiwaangeliyo xogta caruusadda si uu ugu dhaco arooskoodu sida sharciga dalkaasi ogol yahay. Ninkan ayaa telefoon kula xidhiidhay oo weydiiyay xafiisyada guurka mid ka mid ah magaca gabadhiisa taasi oo shaki gelisay maamulka xafiiska diiwaangelinta. Gabadhan oo 33 jir ah ayaa lagu magacaabaa Beta Zelija da’deeduna waa 33 jir. Xafiiska diiwaangelinta muhaajiriinta ayaa markii danbe sheegay in labadan qof ay isu guursanayaan sidii ay u heli lahaayeen deganaansha dalka Ingriiska.