‘Khayraadka Ugu Weyn Ee Dalku Waa Maskaxda Qalin-jabiyeyaasha Dalkeenna’

0
358

Gabilay (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi  Cali Xaaji Xasan ayaa casho sharaf u sameeyay ardayda dufcaddii labaad ee ka qalin-jabisay jaamacada Timacadde University ee magaalada Gabilay.
Munaasibad lagu qabtay hoolka Jaamacada Gabiley, ayaa waxa ka soo qayb-galay xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, waalidiinta ardayda iyo marti sharaf kale.
Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ardayda kala hadlay munaasibadaasi casho sharafta ah ayaa u rajeeyay  dhalintaasi ku soo biirtay saaxadda aqoonyahanka reer Somaliland in ay noqdaan kuwo wax wayn ka tari doona dhinacyada horumarka iyo nabadgelyada dalka.
Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu arrintaasi kaga hadlay oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Internetka ee Guusha.com, qoraalkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-
“Khayraadka Dabiiciga ah ee Uugu Weyn Somaliland waa Maskaxda Qalinjibiyeyaasha Dalkeena, “Our greatest Natural Resource is the Minds of our Graduates”
Waxay ahayd xalay kadib markaan kulan casho sharaf ah la qaatay dufcadii labaad ee ka qalinjabiya Jaamacada Timocade University ee Gabiley
Waxay ahayd madal sharfan oo aan helnay 64 “Afar iyo Lixdan” qalinjabiye oo ku soo biiray saaxada Somaliland oo dabcan wax badan ka tari doona dhinacyada horumarinta iyo nabadgelyada.
Waxaa run ah in noloshu halgan tahay aqoontuna hub, waan ku faraxsanahay in tiro intaas leeg oo ku hubaysan aqoon iyo waayo-aragnimo aynu maanta ka Somaliland ahaan inoo soo kordheen.
Uma cabsi iyo welwel qabo aqoonayahan kaashanaya ILLAAHII uurka hooyadii ku arzaaqi jiray oo maanta u soo baxay nolosha wajigeedii labaad kadib sanado badan oo uu ku jiray halgan waxbarasho.
Waxaan ku boorinayaa in ay noqdaan halyeeyo u heelan horumarinta dalkooda iyo dadkooda oo ay rumeeyaan hamigii laga lahaa.
Ogow, waxaad wax ku helaysaa hadba hamiga aad nolosha ka leedahay, oo waxaan xasuusnahay sheekadan.
“Laba wiil ayaa waxaa isa soo barbar taagay gaadhi qurux badan oo wiil dhalinyaro ah wato, kadib wiilashii ayaa waydiiyey halka uu gaadhigan ka keenay, wuxuuna uugu jawaabay “Walaalkay ayaa ii iibshay”
Labadii wiil waxaa ku soo kala dhacay labadan fikiradood

  1. Waxaan jeclaan lahaa in aan yeesho walaal gaadhi ii iibsha
  2. Waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo walaal gaadhi walaalkii u iibsha

U fiirso, labadaas hami ee ay labadaas wiil kala lahayeen, waxaa dhab ah in labadaas hami noqon doonaan kuwa noloshooda is dhaafiya midna ka dhigi doona mid wax bixiya midna wax qaate!
Waan idiinku hambalyeynayaa in aad maanta yeelateen baalal aad ku duushaan si aad nolosha heersare uga gaadhaan waayo qof bilaa aqoon ah waa sida shimbir bilaa baalal ah “A person without Education is like a bird without wings” Wa Bilaahi Tawfiiq”
 
 
 
Sidoo kalena, Wasiirka Md. Cabdicasiis Maxamed Samaalle oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa khubad dhiiri-gelin iyo dardaaran xambaarsan u jeediyay ardayda, waxaanu yidhi  “Munaasibadan qaaliga ah iyo ardaydan qalin jabisay waxay  ka mid tahay  waxqabadka Xukuumadeena, maanta aqoon baad yeelateen oo digriigii koowaad baad qaadateen oo sidaa laga waramay xiliyada qaarkood, digriigaa koowaad qaadashadiidu dhib bay ahayd  ama loo marayay marxalad aad u wayn, waad soo gaadheeno halkan waxa ka waramayay madaxdhaqameedkeena Nin ka mid ah Boqor Muxumed Geelle Seed oo ka mid ahaa Ardayadii ugu horaysay ee Qalax gashay wuu ka waramay maalintii dhawayd ee Madaxweynuhu joogay, jaaniska aad maanta adinku hesheen isaga (Boqor Muxumed Geelle Seed) iyo da’dayadu may helin runtii, waxaan u jeedaa waxbarashada Gurigii aad ku dhalatay inaad Dugsi hoose iyo Jaamacadba aad kaga baxday waa arrin aad u nasiib badan weeyaan, hadana wax sii dhaw baynu tabaynaa, Wasiirka biyaha Xuseen Axmed Cabdulle waxa uu ka waramay inuu halkan Iskuulkiisii ka galay, laakiin wakhtiga ha i weydiinana buu yidhi oo xaga dambe ayuu ka sheegay wakhtigii. “
 
 
Wasiir Samaalle waxa kale oo sheegay in Xukuumad ahaan ay ardayda ka baxaysa Jaamacadaha ay u balanqaadayaan in shaqo abuur loo sameeyo, waxaanu yidhi “Munaasibadanina waa mid farxadeed, waxaanan idiin balan qaadaynaa Ardayada Jaamacada ka baxaysa iyo kuwa galaya dhamaantiin inaad shaqo wada heli doontaan INSHA ALLAH oo shaqo dawaladeed iyo mid gaar ahba aad heli doontaan , waayo arsaaqada ILAAHAY baa balan qaaday oo qofka bini’aadamka ahi waxyaabaha loo baahan yahay in aanu ka werwerin ee dadaal uun looga baahan yahay arsaaqadaa ka mid ah oo qofba sida uu ILAAHAY u weydiisyo ayuu wax u siiyaa.”
Wasiirka Maaliyadu waxa uu intaas ku daray “Anigu waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa hogaanka Jaamacada Timacadde oo uu ugu horeeyo Magan oo isaga iyo masuuliyiinta la shaqeeyaaba juhdi iyo dadaal weyn bay geliyeen Jaamacada oo hoolkan iyo wax kasta oo ay Jaamacadu u baahataba dhididkooda iyo dadaalkooday geliyeen, hablaha halkan laga xusay ee AL-KHARIYA ee UK jooga mahad gaara ayaan u celinayaa, Xaafiisyada way noogu yimaadeen iyaga oo maqana Telefoono ayay noo soo diraan  hadh iyo habeenba iyaga oo na weydiinaya gobolka maxaad u qabateen oo marka meel walba lagaala soo hadlana wuxuun baad qabani, waxaa aad qabanayso mararka qaarkood haba lagu yidhaahdo waar maxaad Gobolkaaga wax ugu qabanaysaa, Gobolkuna waa mid Gobolada la mid ah, runtiina dalka oo dhan baanu wax u qabanaa , Gabileyna in wax loo qabto way mudan tahay waana loo qabtay waana loo qabanayaa runtii oo inta wax loo qabtay in loo qabtana way istaahishaa. Hadaanu hoolkan dhisnay oo Wasaarada Maaliyadu dhistay, hool weyn oo la mid ah baanu ka dhisnay Jaamacada Boorama mid kale oo ka weyna waxaanu ka wadnaa Berbera, Burco waan ka wadnaa, Hargeysa Laybireerigii weynaa ee  qaranka ayaanu hawshiisa wadnaa, Jaamacada Hargeysana laba Laybireeri baanu ka dhisnay oo intuba waa horumarka dalka,  waxaan si gaar ah salaan kale  ugu dirayaa dhalinyarada hablaha ah ee ka qalinjabiyay Jaamacada, waxaan leeyahay mustaqbalka Ummadan dhalinyarada ayaa leh.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply