Isticmaalka Kalluunka Oo La Dagaalama Hilibka Caloosha Fuula

0
375

Baruurta caloosha gasha ayaa noqotay xaqiiqo nolosha dad badan oo malaayiin dunida ku nool Waxyaabo badan ayaa ka mas’uul ah baruurta caloosha gasha, waxaana ka mid ah hab-nololeedka iyo habka isku aadka cuntada.
Baadhitaanno badan ayaa laga sameeyay waxyaabaha ku saabsan buurnida xadkeeda dhaaftay dawada ugu muhiimsan ee ruuxa noocaas la siiya ayaa ah jimcsi samee.
Cuntada oo la yareeye xadiga aad ka qaadanayso iyo jimicsi ayaa muhiim u ah in lagula dagaalamo baruurta caloosha.
Marka la is-barbar dhigo waddamada hore u maray dadka ku nool iyo dadka dalalka dhaqaalaha hooseeya farqi weyn ayaa u dhaxeeya tusaale dhinaca cuntada , waxaa aad u kala duwan cimilada dadkaasi, cuntada ay cunaan iyo hawada ay qaataan.
Dalka mareykanka waa dalka dadka adduunka ugu buurbuurani ay ku nool yihiin sidaa ay tahayna way shaqeeyaan oo ma xanibto buurnidooda halka waddamada soo koroya ay dhibaato ku qabaan. Haddaba waxaynu halkan ku eegaynaa isticmaalka kalluunka  oo dadka ka caawin kara inay kula dagaalamaan buurnida :
Waxyaabaha badda waa laga jecel yahay caalamka oo dhan sababtoo ah dhamaan waxyaabaasi waa kuwa aad loo hubo caafimaadkooda waana kuwa xakameeya baruurta dagaal joogto ahna ku haya buurnida caloosha . Makhaayadaha sameeya waxyaabaha aan keenin buurnida intooda badan waxay isticmaalaan cuntada badda laga soo saaro. Dadka hilibka cad ee kalluunka iyo digaaga cuna way ka caafimaad badan yihiin dadka hilibka cas cuna.
 

Leave a Reply