“Wakiiladdu Waxa uu ku Guul Darastay In Jawi Doorasho ku Qabsoomi Karto ay Dalka ka Sameeyaan”

0
374

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha Difaaceyaasha Ururadda Madaxa banaan ee xuquuqda  Aadamiga Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bulaale,  ayaa ku eedeeyay golaha  Wakiiladda  inay caqabad ku yihiin qabsoomida doorashooyinka iyo dimuqraadiyada  dalka.
Saleebaan xuquuq oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu tilmaamay in ururadda u doodad xuquuqda Aadamigu  markii ay dhinacyo badan ka eegeen duruufo badan oo dalka ka taagan awgeed in aanay doorashooyinku ku qabsoomi Karin xiligoodii.
 
Sidaas  darteedna looga baahan yahay bulshadda gaar ahaan dhalinyaradda in aanay  danahooda u adeegsan  siyaasiyiintu, waxaanu soo jeediyay  si aanay dhibaato uga iman arrintaasi in ay lagama maarmaan tahay in laga hortago.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Shantii sano ee la doortay Madaxweyne Siilaanyo waxa ka hadhay 4 bilood, waxaanay ku qanacsan yihiin ururada u dooda xuquuqda  aadamigu  markii ay eegeen duruufo badan oo ka jira dalka in aanay dorashadu qabsoomaynin  wakhtigeedii, waxaana haboon in maxasteena iyo dhallinyaradeena  buuq  lagu haasaawinin,  oo  nin dan leh  oo dhami ku odhanin  dhagax soo qaata halkan ayuu ku jiraa ninkii  Geelayaga qaaday ee aynu shiidno si aanay carruur kale inooga dhiman”.
 
Sidoo kale Guddoomiyaha Difaacayaasha Xuquuqal Insaanka waxa uu tilmaamay in golaha Wakiilada caqabad ku yahay qabsoomida doorashooyinka, “Aqalka sharci-dejintu   waxa  uu ku guul darastay  in jawi doorasho ku qabsoomi karto dalka ka sameeyaan.  Kuwaas oo shuruucdii la habsaamay, waxaanay baarlamaanka Somaliland caqabad ku yihiin dimuqraadiyada Somaliland.
Waxaanay  kuraasta fadhiyeen 10 sano, shuruucdii ay ku meel mari lahayd doorashaduna maalin dhawayd aynu Cirro sii daayay, waxaanan ku talin lahaa in doorashada golaha wkaiiladu soo horayso, ta madaxtooyadana dib loo dhigo” ayuu yidhi Saleebaan Xuquuq.
 
Saleebaan Xuquuq,  waxa kale  uu si gaar ah u weeraray   xildhibaan Siciid Cilmi Rooble opo ka tirsan golaha Wakiiladda oo uu ku  eedeeyay  inuu  yahay shakhsi  ku sifoobay inuu umadda Somaliland kala qaybiya.  waxaana uu yidhi “Mudanaha Siciid Cilmi Rooble la yidhaahdo intii aan anigu garaadaystay ilaa 1991 mar uu dagaal sokeeye ku jiray oo uu abaabulayay, mar uu lahaa xukuumadii marxuum Cigaal waa xaaraan, waxaana ninkaas looga tag waayay balaayo uun, waxaana uu ka mid yahay dadka dimuqraadiya Somaliland baabiiyay, waayo waxaynu rogno mooyaana Somaliland ha hana qaado uma abuurna, maalin dhawaydna waxa uu lahaa aynu wax shiidno, afar bilood ka bacdi.
 
 
Dhinaca kale Guddoomiyaha xuquuqal insaanka Somaliland, waxa uu sheegay in dalku marayo halkii ugu wanaasanayd. Waxaanu yidhi “Wadankeenu waxa uu marayaa maanta meel aad u fiican xaga kaabayaasha dhaqaalaha, dhismihiisa waxaana uu sheegay wasiirka gaadiidka ee dawlada Itoobiya inay isticmaalayaan dekeda Berbera, waxaana uu yidhi wasiirka Itoobiya  markab  oo xamuula oo Itoobiya leedahay oo labo  kami qaadaan shidaalka kii ugu horeeyay bishan gudaheeda ayuu ku soo xidhmayaa dekeda Berbera.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply