Booqashada Madaxweynaha Ruushka ee Hangari

0
363

Madaxweynaha wadanka Russia,  Putin  ayaa booqanaya wadanka Hungary, taasi oo ah booqashadii ugu horeysay uu ku tago wadan ka mid ah midowaga Yurub ilaa markii lagu soo riday bishii July bariga Ukraine, oo ay falaagada gooni u goosatada taageersan Russia haystaan, diyaaradii Malaysia Airline.
Hungary ayaa ka mid ah xubnaha tirada yar ee ka tirsan Midowga Yurub iyo NATO ee xidhiidhka la leh Russia.
Xukuumadda Budapest ayaa sheegeysa inuu muhiim u yahay xidhiidhka Russia badqabka quwadeeda tamarta, booqashada maantana ay la xidhiidho heshiisyo sahayda gaaska iyo tan quwadda Nuclear-ka ah.
Hungary ayaa taageertay cunuqabateynta Midowga Yurub ay saareen Russia balse waxay ka hadashay walaaca ay ka qabto saameynta xun ay leedahay.
 

Leave a Reply