Somaliland Oo Ka Hadashay Qorshaha Ay La Hor-tagayaan Shirka Wada-hadalka u Socda Soomaaliya

0
403

Hargeysa (Dawan)- Guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadalka u socda Soomaaliya, ayaa ka hadlay qorshaha la shir tagayaan kulanka labada dhinac isku horfadhiisan doonaan dalka Turkiga dabayaaqada bishan February.

Xubnaha guddiga oo shir ku yeeshay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda shalay oo qayb ka ah u diyaargarowga wadahadalka la filayo inay furmaan 27-ka bishan February 2015, si ay uga keenaan natiijo midho-dhal ah oo ka turjumaysa ujeeddada Somaliland ka leedahay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo kadib kulankaasi la hadlay telefishanka Qaranka, ayaa ka warramay u diyaargarowgooda shirka wadahadalka dhexmaraya Soomaaliya, waxaannu yidhi, “Waxaannu ka wadatashanaynaa ajandaha iyo qorshaha shirka aannu la tagayno, wadahadalladii hore waxyaabaha ka soo baxay wixii ka fulay iyo wixii aan ka fulin. Had iyo jeer marka wadahadalku soo dhawaado waxaannu la kulanaa darafyo badan oo ummadda ah oo aannu waraysanaa si aannu xog uga qaadano, maalin dhawayd waxaannu la xidhiidhnay Baarlamanka (Somaliland) guddiga u qaabilsan arrimaha dibadda oo talooyin fara badan na siiyey, waxaannuna doonaynaa inaanu tagno Turkiga annaga oo ka boganay arrimaha aannu doonayno inaannu ka hadalno iyo ajandahayaga.

Waxaad la socotaan in waxyaabihii ugu muhiisnaa ee shirkii Jabuuti ka soo baxay inay ka mid ahaayeen arrimaha masiiriga ah iyo inaan la carqaladayn wixii dhaqaalaha ah oo aan la siyaasadayn iyo in la fuliyo wixii hore loogu heshiiyey ee ay ka mid tahay arrimaha ka mid yihiin maamulka Hawada.”

Waxa kaloo wasiirku xusay inay u qorshaysan tahay sidii kulanka soo socda ee wadahadalka ay uga soo bixi lahaayeen natiijo midho-dhal ahi, si Somaliland u gaadho go’aanka madaxbannaanideeda, “Waxaannu filaynaa inaannu kulankan natiijo wax-ku-ool ah ka gaadhno oo ay naga go’antahay in aannu wax midho-dhal ah keenno, waayo i jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis, waxaanay labadayadaba dantu ugu jirtaa inaannu kala ambabaxno annagoo laba dal oo jaara ah, waa taa mabda’ayaga iyo halkaannu u soconaa, kaana meel aannu uga soo degaynaa ma jirto, laakiin dabcan dariiqa loo marayo ee caalamiga ah in aannu u marno ayaanu ku talojirnaa,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi Yoonis.

 

 

 

Leave a Reply