Kulan Lagu Faaqiday In Dejinta Siyaasadda Lagu Dhaqayo Warbaahinta Qaranka oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
342

“Waxa aynu soo Kordhinay in Wargeyska DAWAN uu  Madbacad Yeesho oo Dhawaan Loo Furayo”

 

 

By: Khadar M. Dhako

Hargeysa (DAWAN)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa  shalay furay kulan lagaga hadlayo sidii loo diyaarin  lahaa siyaasadda ay ku shaqayn doonaan  qalabka warbaahinta qaranku.

 

Kulankan oo shalay lagu qabtay xarunta wasaarada ayaa waxa ka soo qayb-galay Agaasimaha Guud,  agaasimeyaasha waaxaha  iyo qaybaha ay ka kooban tahay wasaarada warfaafintu.

 

Wasiirka Warfaafinta oo halkaa ka hadlay ayaa waxa uu magacaabay guddi soo dejin doonta siyaasadii lagu  hagi doono warbaahinta qaranka, isla markaana soo qiimayn doonta barnaamijyada iyo wararka ay tabiyaan  hay’adaha warbaahitnta dawladdu.

 “Kulankan ujeedadiisu waxa weeyaan dalkeennu isagoo 24 sanadood jira siyaasada warbaahinta qaranka,  wali lama qorin, waxa  aan doonayaa oo Guddigiinan  xilkooda ka mida in aad qortaan siyaasada  lagu hagayo warbaahinta qaranka  ee aynu ku shaqaynayno,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

 

Wasiir Cukuse waxa uu tilmaamay in ay sameeyeen qorshihii shanta sanno ee lagu hagayay wasaarada Warfaafinta, waxaanu yidhi “Waxa aanu samaynay qorshihii lagu hagayay wasaarada shanta sanno ee soo socota, waxaanan  doonaynaa in aad dib u akhridaan qorshahaas oo marka dambana aynu  fulino.”

 

 “Waxa aanu doonaynaa in aad qiimaysaan oo aad barnaamijyada ka baxa Telefishanka qaranka Wareyska DAWAN iyo wakaalada wararka oo aad bartaan gal-daloolada uu leeyahay barnaamijyada ay tabinayaan oo warbixin ka diyaarisaan qiimaynta markaa waxa inooga soo bixi doona in rag meelo ku waaaweynaa in  la kabo iyo qaar aynu u aqoonsano in la bedalo iyo qaar aynu u aqoonsano inay u qalmayaan in meel kale  la geeyo,”ayuu intaas ku daray  Wasiirka Warfaafintu.

 

Wasiirka Warfaafintu waxa uu ammaanay DAWAN Media Group oo uu tilmaamay in ay yeelatay madbacad isla markaana tahay wargeyska ugu bogaga badan isla markaana ah ka kaliya ee midab leh ee ka soo baxa caasimadda Hargeysa, waxaanu yidhi   “Waxa aynu soo kordhinay in Wargeyska DAWAN uu  Madbacad yeesho oo dhawaan loo furayo, wargeyskaasi  uu yahay ka kaliya ee dalka ka soo baxa ee midab leh Colour) ah, waana wargeys bogagiisu yihiin 12 Bog, halka wargeysyadda kalena ay yihiin sideed Bog.”

 

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay la Taliyaha Wasiirka Warfaafinta Xuseen Cali Nuur, oo ka waramay ahmiyadda hawsha loo xil saaray Guddigooda  iyo baahida qaranku u qabo, waxaanu Wasiirka uga mahad celiyay fikirka uu la yimid.

 

Leave a Reply