Xisbiga UCID Oo Ku Baaqay In La Kala Diro Golaha Wakiillada

0
376

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID  Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa sheegay in xisbi ahaan ay soo jeedinayaan in la kala diro golaha wakiiladda, waxaanu tilmaamay inay muddo kordhin sharci daro ah ay ku fadhiyaan, isla markaana ay doonayaan in muddo xileedka loo kordhiyo.

Cali-guray oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu sheegay inay hore u cadeeyeen mawqifkooda ah in aanay doorashado ku qabsoomi kaion 26 June.

  “Annaga mawqifkayagu waxa weeyaan in golahan wakiilada ee tobanka sannadood fadhiyay, haddana sugaya in 26 June ka hor loo kordhiyo  oo ay dhawr iyo toban sanadood fadhiyaan in la kala diro gabi ahaanba oo uu bedalo baarlamaanka cusub ee la soo doortay,” ayuu yidhi Cali-guray.

Cali-guray waxa uu intaas ku daray, “Hore waanigii u cadaynay in 26 June in aanay wax doorasho ahi dhacayn, in kasta oo xukuumadda iyo komishanka laga hayn in wax doorasho ahi aanay dhacayn UCID mooyaane in aanay suurto-gal ahayn in doorashadu ay dhacdo 26 June .”

 

Leave a Reply