Madaxweyne Siilaanyo Oo Saaka Socdaal Shaqo Ugu Baqoolaya Berbera

0
387

Hargeysa (Dawan)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  maanta u socdaalaya magaaladda xeebta ku taalla ee Berbera ee gobolka Saaxil, halkaasi oo sida la sheegay uu xadhiga ka jari doono madaarka Magaaladda oo casriyayn balaadhan lagu sameeyay.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo la sheegay in socdaalkiisa gobolka Saaxil uu qaadan doono muddo laba maalmood ah isla markaana uu xadhiga ka jari doono mashaariic kale oo horumarineed oo laga fuliyay  magaaladda Berbera.
Madaxweynuhu saaka ayuu diyaarad gaar ah ka raaci doonaa Madaarka Hargeysa, halka  xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo socdaalkiisa ku wehelinayaana ay  xalay u sii kicitimeen Berbera,halka qaar kalena ay saaka ka jarmaadi doonaan Hargeysa.
 
Madaxweynaha Somaliland waxa uu mudada uu joogo Berbera uu kulamo la yeelan doonaa Maamulka Gobolka Saaxil, ka degmadda,laamaha dawladda iyo waxgaradka bulshadda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply