Xukuumadda oo Ka Hadashay Soohdinta u Dhaxaysa Somaliland & Jabuuti oo La Xidhay Iyo Asbaabaha Oo Dhaliyay

0
603

Saylac(Dawan):- Xukuumadda Somaliland,ayaa  ka hadashay xuduudda ay la wadaagto  dalka Jabuuti oo xidhan iyo sababaha soohdinta labada wadan  loo xidhay.
Wasiirka Wasaaradda dib u Dejinta Somaliland  Axmed Cabdi  Kaahin  ayaa  caddeeyay  xidhitaanka soohdinta dalalka Somaliland iyo Jabuuti in ay tahay mid ku meel gaadh ah oo la xidhiidha sababo ammaan isla markaana ay labada dalba mid kastaaba dhankiisa kaga jiro feejignaan iyo sugidda  nabad-gelyo ee soohdintiisa.Waxaa kale oo uu intaa ku daray in xadku aanu xidhnaanayn balse la furayo dhakhsana  isu socodka labada waddan u bilaabmi doono.
Wasiirka Dib u Dejinta Somaliland oo galabta Socdaal dhinaca dhulka ah kaga yimi dalka Jabuuti oo  uu ku weheliyo Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi  oo ay socdaall maamlmo qaatay ku joogeen.
Wasiirka Axmed Cabdi Kaahin oo ku sugan magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Salel oo khadka Telefoonka  ugu Waramay Wargayska DAWAN, ayaa ugu horrayn isagoo ka jawaabaya su’aal aanu ka waydiinay in ay ka wada hadleen xidhitaanka soohdinta labada dal masuuliyiinta Jabuuti intii ay dalkaa ku sugnaayeen,ayaa ku jawaabay ”Horta xidhitaan rasmi ah maaha oo dawladu ku dhawaaqday laakiin  waxaa jira arrimo amni oo sababay in si ku meel gaadh ah xuduudka loo xidho taasina maaha mid sii jiraysa waana taxadar lagaga hor tagayo in ay dhibaatooyin dhacaan labada dhanba,intaana dadku way isu soconayaan lamana garanayo qofka wax wada iyo ka nabad-gelyada u gudbaya markaa waxaa laga hor tagayaa uun warar la helay oo taas uun baana keentay in xadku arrimo  ammaan ugu xidhmo si ku meel gaadh ah.”
Wasiirka oo aanu ka jawaabayay su’aal ahayd in xadka la xidhay uu ka dhashay in xidhiidhka labada wadan  aanu fiicnayn iyo in kale, waxaanu yidhi  “Xidhiidhka dalalka Jabuuti iyo Somaliland waa mid wanaagsan oo walaalnimo waana laba dal oo ood wadaag ah mana jirto wax dhibaato ah oo dalalka Somaliland iyo Jabuuti u dhaxaysa oo sababtay in xadku u xidhmo laakiin waxaad ogtahay dhibaatada ka dhacday Soomaaliya iyo qarixii ugu dambeeyay khasaaraha uu gaystay  waana wax meel kasta ka dhici kara markaa in laga hor tago dhankastaba waa masuuliyad saaran xadkoodana waxay u xidheenna waa taxadar uun ee maaha mid saamayn ku leh xidhiidhka labada waddan waana la furayaa labada dalna xidhiidhkoodu waa sidiisii masuuliyiinta dawladda Jabuutina waanu ka  wada hadalnay waanay furayaan mana sii xidhnaanayo.”
 
“Somaliland kama jirto wax ammaan darro ahi laakiin waxaynu ku naalaa mandaqad wada holcaysa markaa in aynu ka wada shaqayno nabad-gelyada labada dhinacba xil baa ka saaran dadka isu gudbayaana way ku soo dhex dhuuman karaan,  qaar shar wadeyaal ah oo meel kale ka yimi oo aan ahayn Somaliland laakiin socdaal dhankan iyo dhanka kaleba way kaga iman karaan markaa markay xaaladi jirto in la wadda feejignaadaa  waa mid muhiimadeeda leh,Somaliland-na dalalka ay dariska yihiin waxay si weyn uga wada shaqeeyaan nabad gelyada oo sida aynu dalkeena nabad galyadiisa u ilaashanayno ayay iyaguna u ilaashanayaan tooda dhibaato kalena ma jirto xuduud xidhnaanaysaana ma jirto laakiin waa arrin ammaan iyo waxaa Xamar ka dhacay oo meel kasta ka dhici kara taasuun baana laga wada hor tagayaa,”ayuu  yidhi Wasiir Axmed Cabdi Kaahin
Dhinaca kale  Guddoomiyaha Gobolka Salel Cabdirisaaq Waaberi Rooble,ayaa shalay caddeeyay in Xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti ka wada socdaan xidhitaanka soohdinta waxaanu intaa ku daray in arrimo amni ay sabab u yihiin xidhitaanka labada dal.
Guddoomoiyaha Gobolka Salel  oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Saylac ee Xarunta gobol Selel waxaa  uu ugu horrayn ka hadlay sida ay Somaliland iyo Jabuuti uga socdaan xidhitaanka soohdinta labada dal.
“Xidhista Xadka waanu ka wada soconnaa Dhinaca Jabuuti iyo Dhinaca Somaliland-ba. Waa laga wada socdaa, Wasiirka Daakhiligu waa la socdaa, warar baa jira la leeyahay waxbaa jira, markaas labada dhanba feejignaan baanu galnay”
Waxaa kale oo uu ka hadlay  Guddoomiyaha Gobolka Selel dhibaatooyinka ka jira mandaqada Geeska afrika oo uu tilmaamay in ay sabab u yihiin xidhitaanka soohdinta ay labada dal wadaagaaan.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply