Somaliland: Dooni Kalluumaysi Oo Ku Shuf-beeshay Xeebta Gobolka Salel

0
392

Saylac (Dawan): Dooni weyn oo nooca Kalluumaysiga ah oo laga leeyahay Somaliland  ayaa shalay gelinkii dambe ku shuf beeshay  xeebta gobolka Salel, gaar ahaan  agagaarka  biyaha badda  Sacaadadiin.
Sida uu ku soo waramayo weriyaha DAWAN uga soo warama gobolka Salal Maxamed Cawaalle Daahir, doonida gubatay  oo ay u gurmadeen ciidamadda ilaaladda xeebaha ayaa sheegay in shalay gelinkii dambe abaarro 3dii galabnimo ay arkeen Qiiq iyo uurro cirka isku shareeray oo ka baxaya  doonidaasi.
 
Waxaanay ciidamadu sheegeen in ka dib markii ay ay gaadheen halkaasi  ka dib ay arkeen doonidaasi oo gubanaysay, doonidan  oo uu  lahaa ganacsade reer Somaliland ah  oo magaciisa la yidhaado Maxamed Dhoola-yare. Ayaa  ka kalluumaysanaysay  biyaha  gobolka  Salel.
 
Isbitoore Gilin-gil oo ah ku simaha taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha ee gobolka Salel, ayaa noo  xaqiijiyay gubashadda doonidani ay ka dhalatay  dab qabsaday qeybta cuntada lagu kariyo, waxaanu sarkaalkaasi xusay in gabi ahaan-ba ay doonidu shuf-beeshay balse shaqaalihii doonida  la soo bad-baadiyay loona qaaday dhinaca dalka Jabuuti.
By: Khadar C.Muuse
 dawannews Hargeysa office

Leave a Reply