Kor U Kac Ku Yimid Iibka Gaadiidka Ee Wadamada Yurub

0
496

Sida lagu baahiyay mareegaha ka faalooda arrimaha dhaqaalaha ayaa lagu sheegay in uu kor u kac ku yimid iibka gaadiidka wadamada ku yaala Yurub. Shirkadaha baabuurta ee wadamada ku jira Mdawga Yurub, ayaa sheegay in uu kor u kacay iibka gaadiidka ee qaaradan iyadoo ay noqonayso bishii toddobaad ee isku xiga ee uu kor u socdo.
Waxaa ka mid ah suuqyada ugu xoogan ee wadamada ku jira Mdawga Yurub, Spain oo 27.5% Boqolkiiba todoba iyo labaatan iyo badh uu kor u kacay halka Dalka Taliyaanigana uu gaadhay 11%  Kow iyo toban boqolkiiba Dalka  Jarmalka ayaa isna uu gaadhay 3%  boqolkiiba Saddex in ku dhaw.
Tani ayaa lagu tilmaamay inay tahay calaamad muujinaysa inuu dhaqaalaha wadamada ku jira Mdawga Yurub kor usoo kacaayo.

Leave a Reply