‘Waxaad Sharaf Leedahay Kuwa Kaa Liita Marka Aad Wax Tarto, Markaas Ayaad Bini’aadam Tahay…’ Marwo Aamina -Waris

0
362

Hargeysa (Dawan)- Marwada koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-waris), ayaa ka qayb gashay Munaasibad dhaqaale loogu ururinayay cusbitaalka caruurta ee Maxamed Aadan Sheekh ee magaalada Hargeysa.
Munaasibadaasi oo ka qabsoontay hoteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ayaa lagaga dhawaaqay in cusbitaalkaasi loo ururiyay qadar lacageed oo dhan $282,000 oo dollar. Waxaana xafladaasi ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-waris), Maayarka Caasimada Hargeysa iyo marti sharaf kale.
Ugu horayn Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde oo munaasibadaasi ka hadadashay ayaa sheegtay in bulshada Somaliland ay ku caano maashay taageerida dadka u baahan in gacan loo fidiyo, waxaanay tidhi  “Sidii Wasiirka caafimaadku sheegay wixii aanu halkan ka filaynay wax ka weyn oo farxad leh baa nooga soo baxay , Somaliland waa lagu ogaa oo ILLAAHAY inoo barakeeyay ee nabadgelyada inoo siiyay ee uu horumarka inoo siiyay waxa weeyaan caawimada aynu is caawino, sadaqada aynu la baxno iyo dadkeena danyarta ah oo aynu mar walba caawimo la garab taaganahay.”
Marwada koowaad Mawro Aamina Sheekh Maxamuud Jirde waxa kale oo ay intaa raacisay “Bini’aadanimadu waxay sharaf leedahay marka aanad qadarin ama aanad wax tarin kuwa adiga kula siman, laakiin waxay sharaf leedahay kuwa kaa liita ama danyarta ah marka aad wax tarto ee aad siiso ayaad bini’aadam tahay, reer Somaliland waxa lagu yaqaanaa marka aynu isku tashano oo aynu baahanahay in aynu wax ururino, haday Wadooyinka tahay, haday Iskuulo yihiin, haday danyan wax loo ururinayo tahay iyo haday cusbitaalo yihiin aynu isku tashano oo wax qabasano, ILLAAHAY-na intaasuu inagu gargaaraa . Waxaan mahadnaq u jeedinayaa cusbitaalka Maxamed Aadan Sheekh shaqaalaha ka shaqeeya haddii ay Somaali yihiin iyo haddii ay ajaaniba yihiin oo sidii la inoo sheegay 24 saacadoodba heeganka ah.”
Marwo Aamina -waris waxa kale oo ay ka warantay taariikhad iyo shakhsiyadii  Marxuum Maxamed Aadan Sheekh oo loogu magacdaray cusbitaalka caruurta ee Hargeysa, waxaanay tidhi  “Maxamed Aadan  Sheekh ALLE ha u naxariistee beribay odayga ahaayeen saaxiib, dagaalo badan ayuu Somaliland u galay, dagaaladaa waxa ka mid ahaa mab’da iyo qadiyada oo markii dadkeena sida xun uu u galayay rajiimkii Maxamed Siyaad Barre waxa uu ku mutaystay xadhig oo isaga oo xidhan-buu rajiimkii dhacay, markaa qof bini’aadanimada aaminsan-buu ahaa oo marka qofku bini’aadanimada aaminsan yahayna qabiilka wuu ka sarreeyaa, haddii uu qabiil ku fikirayay cusbitaalkan Hargeysa kamuu dhiseen ee goboladii uu u dhashay ayuu u dhisi lahaa , sidaa darteed cubitaalkan in aynu inaguna ku ixtiraamno oo uga shaqayno waa waajib. Cusbitaalkan caruurtu khaas weeyaan, taageero iyo taakulayn gooniya buu inooga baahan yahay, dawlada Talyaaniga aad baan ugu mahad naqayaa iyo axsaabtii Maxamed Aadan oo arrinta halkan ka dhalatay iyaduna way inoo kordhinaysaa oo dad iyaguna wax ku darsanaya oo in wax loo qabto ah ayaynu u muuqanaynaa, waxaan qabaa intay tari lahaayeen inay laban laabayaan iyagana weynu mahad naqaynaa.”
Wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu  sheegay in cusbitaalka adeegayada uu bixiyo ay yihiin kuwo lacag la’aan ah, waxaanu hay’addaha caalamiga ah ee dalka ka hawlgala  ku booriyay inay ka qayb qaataan qaadhaanka loo ururinayo cusbitaalka, waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa marawad koowaad oo runtii aad noola shaqaysa oo Wasaarada caafimaadka ku xidhan oo wax badan nala qabatay, munaasibadana wakhti badan gelisay kuna guulaysatay dhaqaalihii aanu Cusbitaalka u doonaynay iyo ka badanba inay ka soo baxdo waanan u mahadqanynaa, Marwadu waxay nagala shaqaysaa yaraynta dhimashada hooyada iyo dhalaanka , waxa kale oo aad ugu mahadnaqayaa fikrika wanaagsan ee Wasiirka Madaxtooyada uu noo soo jeediyay, cusbitaalkan taariikhdiisa iyo waxa uu qabto waa laga sheekeeyay , maalintiina 80 caruur ah oo lacag la’aan lagu daweeyo ayuu qabtaa, todobaadkiina waa in ka badan shan boqol, bishiina waa in ka badan laba kun oo lacag la’aan ah, dawadooda, nafaqadooda iyo aragtidooda midna lacag lagama qaado.  waxaanu ku fikiraynay in aanu gobolada kale ku fidino cusbitaal noocaan oo kale ah, waxaanu rajaynayanaa in caruurtaas dhamaantood lagu guulaysan doono qaliinkooda, waxaanan halkan uga mahadcelinayaa Qunsulka Turkiga oo balanqaaday wixii qalaba ah ee qolka qaliinku u baahado inay dawlada Turkigu bixinayso, hay’addaha UNFPA, WFP iyo WHO waxaan jeclahay inay qaadhaankooda bixiyaan, waxaanan idinka mahadnaqayaa dhaqaalaha aad ugu deeqdeen cusbitaalka  oo wax wayn u qaban doonta caruurteena.”
Dhinaca kale xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteclo) iyo masuuliyiintii ka soo qaybgalay munaasibadaasi ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan horumarinta cusbitaalka caruurta.
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply