Wasiirka Maaliyadda Iyo Ujeedada Kormeer uu ku Marayo Gobollada Bariga Dalka

0
361

Hargeysa (Dawan)  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland  Md. Cabdicasiis Maxamed Samaalle oo ay weheliyaan  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Saleebaan Jaamac Diiriye iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta kormeer shaqo ka bilaabaya  goobaha dakhli ururinta ee xarunta gobolka Togdheer ee Burco oo ay xalay gaadheen ka dib markii ay  shalay kormeer shaqo ku tageen  Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera  soona kor meereen sida ay u socoto hawlaha dakhli ururinta ee magaalada Berbera.
Waxaanay  kormeer ku soo mareen Wasiirka iyo Masuuliyiinta Wasaaraddiisa ee socdaalka ku wehelinaysay  goobaha dakhli soo saarka ee  magaallo xeebeeda Berbera  oo ay ka mid yihiin, Dekeda, Kastamka Berbera iyo xafiiska cashuuraha berriga, waxaanay kulamo la qaateen masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Saaxil.
 
Wasiirka Maaliyadda  oo warbaahinta la hadlay intaanay u safrim magaalada Burco ayaa  faahfaahin ka bixiyay ujeedada socdaalkooda, kormeerka ay ku sameeyeen goobaha dakhli uruurinta iyo sida ay hawshu ugu socoto  waxaanu yidhi
“Guud ahaan xafiisyada aanu booqanay shaqadu si wanaagsan bay uga socotaa oo bilawga sanadka cusub ee 2015-ka ayaynu ku jirnaa, waxaanu aad u jecelnahay in aanu la socono hirgelinta odoroska miisaaniyada 2015- ka, taasoo bishii koowaad ay hadda dhamaatay oo bishii labaadna ay dhamaad ku dhawadahay, waxa noo soo baxay runtii oo aanu ognahay in si wanaagsan ay u socoto hawsha dakhligu oo bishii dhamaatay ee sanadkan ku tallo-galkii miisaaniyadda ee sanadkan sidii aanu ku tallo galnay iyo si ka wanaagsanba inay u soo baxday. Waxa mahadeeda leh hawlwadeena kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan gobolkan aanu joogno ee Saaxil masuuliyiinta ka shaqaysa aad baan ugu mahadnaqayaa.”
 
Wasiir Sammaalle waxa kale oo uu sheegay in uu kulamo la qaatay ganacsatada gobolka Saaxil, waxaanu yidhi “Sidoo kale saaka (shalay) waxaanu la kulanay guddi ay leeyihiin  ganacsatada gobolka Saaxil jooga, iyagana si guud waxaanu uga wada hadalnay guud ahaan shaqooyinkooda kala duwan oo  hawlwadeena Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka ku amaanay, siday ula shaqeeyaan, dhinaca kalena wixii tabashooyin ah ee ay tirsanayeen ayay noo soo jeediyeen oo ay la xidhiidho tacriifadaha iyo xiliyada la shaqaynayo sidii aanu uga wada hadli lahayn iyo guud ahaan shaqooyinka kala duwan ee ay Wasaaradda Maaliyadda wadaagaan ee ay ka wada shaqeeyaan si wanaagsan baanan  uga wada  arrinsanay.”
Socdaalka Wasiirka Wasaradda Maaliyadda iyo masuuliyiinta sar sare ee Wasaaraddiisu ay ku marayaan gobolada ayaa qayb ka ah dar dar  galinta dakhli soo saarka dalka
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply