Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Mashaariic Horumarineed Oo Laga Hirgaliyay Berbera, Kuwo Cusubna Dhagax Dhigay

0
400

Berbera(Dawan):- Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maalintii labaad socdaal  shaqo ku jooga xarunta gobolka Saaxil ee Berbera ayaa shalay xadhiga ka jaray oo furay mashaariic horumrineed oo laga hir-galiyay magaalada Berbera,  kuwo cusubna dhagax dhigay.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaa kale oo uu soo kormeeray balaadhin lagu samaynayo dekeda Berbera oo marka uu Madaxweynu kormeerayay hawha balaadhintu  ka socotay.
Casriyaynta  dekada ee uu shalay Madaxweynuhu soo kormeeray ayaa noqonaysa intii Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay tii labaad ee  Dekada lagu samaynayo  ee uu ka soo qayb galo.
Madaxweynaha Somaliland ayaa intii uu ku jiray kormeerka marsadda Berbera waxaa uu war-bixin ka dhegaystay Maareeyaha Dekeda Berbera Eng  Cali Cumar (Cali Xoor-xoor) oo ka war-bixiyay wajiga labaad ee dib u balaadhinta Dekeda Berbera taasoo wax weyn ka tari doonta casriyaynta Dekeda Berbera.
“Mudane Madaxweyne, waxaa maanta noo sharaf ah in aad nagu soo kormeerto wajiga labaad ee balaadhinta barxadda weyn ee  Dekada oo aanu ugu tallo-galnay koonteenarrada buuxa maanta (shalay) waxaa shaqaynaya Geelle A. oo  noo soo diray 80 nin oo ka mid ah kuwaasoo aan wax kharash ahna aan naga doonayn laakiin iskaa wax u qabso ku shaqaynaya,Mudane Madaxweyne waxaa noo qorshaysan in aanu muddolaba bilood ah ku dhamayno qaybtan labaad oo noqonaysa illaa sadex higtar oo shub ah iyo qurxitoodaba.”ayuu yidhi Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka hadlay ahmiyadda ay balaadhinta Dekadu u leedahay qaranka Somaliland  iyo in dadku wax wada qabsado oo loo wada guntado horumarinta dalka ayaa yidhi “Aad baan ugu mahad naqayaa guud ahaan shaqaalaha iyo maamulka Dekeda oo  hawl wanaagsan qabtay iyo dhalinyarradan sida hagar la’aanta ah dhismaha uga qayb qaadanayaaba waxaanan leeyahay shaqo wacan ayaad qabateen ee  hambalyo,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Waxa  kale oo uu Madaxweynaha Somaliland isla  shalay xadhiga ka jaray oo uu furay waddo laami ah oo dhererkeedu yahay 8 KM oo dawladda hoose ee Berbera ka hirgalisay magaalada Berbera taasoo ah wadadii ugu dheerayd ee  laami ah ee ay dhisto dawladda hoose ee Berbera.
Ugu horrayn maayarka degmada Berbera Cabdishakuur  Maxamuud Xasan, ayaa  sheegay in wadada 8.KM  ah ee ay dhiseen  uu  noqonayo jidkii ugu weynaa uguna casri ah ee ay ka hir-galiyaan magaalada Berbera.
.
“Mudane Madaxweyne waddadan oo ah waddo casri ah oo 8 KM.ah waxay ka ka mid tahay wax qabadka dawladda hoose dhamaanteedna waxaanu ku dhisnay waa kharashka dawladda hoose tanina waa bilawga wax qabadka  Dawladda Hoose ee Berbera,  waxaanan caddaynayaa in aanay jirin wax faro galin ah oo maanta lagu hayo dawladda hoose ee Berbera anaguna aanu diyaar u nahay in aanu magaalada Berbera horumar gaadhsiino,”ayuu yidhi Maayarku.
 
 
Madaxweynaha Somaliland  ayaa markii uu furay wadada cusub ee Berbera waxaa uu halkaa hadal kooban oo dar daaran iyo dhiiri galin ah ugu jeediyay masuuliyiinta heer gobol iyo  degmo ee Berbera.
“Dhismaha waddooyinku waa astaanta horumarka dalka aad iyo aad ayaanan ugu hambalyaynayaa dawladda hoose ee Berbera iyo maamulka gobolkaba hawshan balaadhan ee ay qabteen waxaanan leeyahay halkaa ka sii wada. Annaguna Xukuumad ahaan wixii nalooga baahdo ee dhinacayaga ah waanu ka soo bixi doonnaa, ”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland
Dhinaca kale waxaa uu Madaxweynaha Somaliland dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Gobolka Saaxil oo laga dhisayo Berbera.
 
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka  Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare  oo ka hadashay dhagax dhiga  xarunta Wasaaradeeda ee Berbera ayaa tilmaantay in ay dhismaha xarunta wasaaradda ee ay ku yeelanayaan gobolka Saaxil mid ahmiyad wayn ugu fadhiya oo ka qayb qaadan doona ilaalinta deegaanka iyo horumarintiisaba waxaanay sheegtay  in xarunta Waaaradda Deegaanka ee laga dhisayo Berbera ay qayb wayn ka qaadan doonto dhiraynta deegaanka, waxaanay tidhi  “Waxaa farxad weyn noo ah in aad Mudane Madaxweyne noo dhagax dhigto Xarunta Wasaaradda Deegaanka oo aad u bur bursanayd ahna imika meel kharaabado ah waxaana laga dhisi doonaa xarunta guud ee gobolka Saaxil oo  yeelanaysa xarun heer gobol iyo xafiisyadeedii  waxaana noo qorsshaysan in illaa 300 oo kun oo geed in  xaruntan la keeno oo lagu dhireeyo Berbera ,mudne Madaxweyne dhismaha xaruntanna waxaa hir galinaya oo laga dhisayaa sanduuga horumarinta Somaliland ee SDF.”
 
Ugu dambayn waxaa halkaa ka hadlay Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo caddeeyay in ay xukkumaddiisu diyaar u tahay  horumarina deegaanka. “Waxaan aad iy aad ugu mahad naqayaa Wasaaradda deegaanka oo ku hawlan sidii ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka loo geysto deegaanka Xukuumad ahaana waxaa naga go,an in la ilaaliyo deegaanka lagana shaqeeyo horumarintiisa.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.
Geesta kalena, Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal dawladda iyo shacbiga Kuwait ku bogaadiyay xuska maalinta qaranimada dalkaasi oo ku beegan 25-ka Bishan Febarwari.
Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu caawa soo saaray Xoghayaha gaarka ah ee xafiiska saxaafadda ee madaxtooyadda Somaliland Mr.Naasir Yuusuf Daahir, waxaanu u dhignaa dhambaalkaasi sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal Hambalyo ah u dirayaa dawlada Kuwait oo u dabaal degaysa   25/02/2015, sannad guurada ka soo wareegtay Maalinta Qaranimada Kuwait awgeed.
 
Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Amiirka kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah iyo guud ahaan shacbiga kuwait oo ah dal iyo dad ay innaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo soo jireen ah.
Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu dawlada iyo sahcbiga reer Kuwait Alle uga baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn.”
By: Faysal Xiis  (Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply