Ganacsatada Waaheen Oo D/ Hoose Ka Dalbaday Qorshe Suuqa Lagu Balaadhinayo

0
451

Hargeysa (DAWAN): Gudooomiyaha ganacsatada suuqa Waaheen ee magaaladda Hargeysa  Mawliid Qawdhan Siciid, ayaa xukumada dhexe iyo dawlada hoose ee  caasimada Hargeysa ka codsadey inay wax kala qabtaan qarsheyaal la  doonayo in  suuqa lagu balaadhiyo.
 
Qorshahaasi oo ah in suuqaasi oo cidhiidhi badani ka jirro ay doonayaan in uu hello   barxad  ku filan iyo xoojinta amniga iyo badbaadada suuqa iyo xoolaha dhex yaalla. Gudoomiye  Mawliid oo  shalay u  waramayey   DAWAN iyo walakaaladda wararka ee Solna, ayaa sheegay in mudadii koobnayd ee uu hayay xilka ama masuuliyada gudoomiyaha suuq weynaha Waaheen in ay waxyaabo badani u qabsoomeen, isagoo xusay   in kulamo uu la yeeshay ganacsatada iyo maamulka dowlada hoose ee Hargeysa.
 
Kulamadaasi oo ay  kaga wada hadleen sidii looga gaasham lahaa aafada dabka ee soo noqnotay, suuqa waaheen in loo sameeyo baabuurta dabdemiska Iyo banaynta dariiqayada suuqa ama barxad ku filan oo ay ka gudaan karaan howlgala da badbaadinta suuqa iyo la dagaalanka dab kastoo ka qarxa suuqaan in si hufan oo degdeg.
 
waxaanu yidhi “Waxaan  ka codsanaynaa xukuumadda inay suuqa Waaheen u sameeyaan ciidamo gaar ah oo suga amaanka suuuqa, waxaan sidoo kale dawlada hoose ee Hargeysa u soo jeedinayaa inay suuqa u samayso wadooyin si qaab-dhismeedka suuqa uu u  wanaagsanaado isla markaana  loo samato bixin karro mararka ay shilalka dabka oo kale ka dhacaan”.
 
 
 
 
 
Gudooomiyaha ganacsatada suuqa Waaheen   waxa  uu  sidoo kalena  sheegay inay wadaan wacyigelin ama qorsheyaal anshax ay ka sameeyeen dhalinyarta suuqa ka shaqeysa oo qaarkoood ay hore ugu kici jireen arrimo akhlaaq ahaan qalad ahaa oo ay kula kici jireen macaamisha suuqan oo dumar u badan.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply