Gudoomiye Cirro Oo Madaxweynenimadii Quus Ka Taagan Somaliland-na Burbur Iyo Colaado Sokeeye U Saadaaliyey

0
377

Hargeysa(Dawan )-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md.  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo maalmahan-ba la tacaalayey sidii uu isaga maydhi lahaa fadeexad culus iyo weji gabax weyn oo   horaantii todobaadkan ka soo wajahday khudbad uu ka jeediyey xaflad aan ujeedadeeda la fahmin oo xisbigiisu  Sabtidii  22/02/2015-ka ku qabsaday Huteelka Maansoor ee magaaladan Hargeysa, taasi oo daaha ka fayday aqoon darradiisa dhinaca sharciyada iyo laylinimadiisa siyaasadeedba, ka dib markii uu khudbadiisaa si cad oo aan gabasho lahayn uu ugu sheegay in Golaha wakiilada ee uu Gudoomiyaha ka yahay xaaraan iyo sharci darro ku joogo, oo aanay jirin haba-yaraatee wax sharciyad  ah oo uu ku dhisan yahay Golahaasi.
Hase ahaatee aanu ka tagayn oo aanu iska  casilayn xilka Guddoomiyenimada Golaha Wakiilada ee uu uu sharciyadiisa iyo joogitaankiisaba xaaraantimeeyey. Ayaa si uu rayul caamka bulshadda u marin habaabiyo, isla markaana  u soo af-jaro doodaha iyo hadal-haynta la xidhiidha fadeexada siyaasiga ah ee kudbadaas ka soo gaadhay oo noqotay mawduucii ugu weynaa ee ugu hadal-haynta badnaa todobaadkan, waxa uu bilaabay qorshe cusub oo uu kaga dayrinayo mustaqbalka   siyaasadeed ee  Somaliland  iyo weliba midnimada iyo wadajirka ummada reer Somaliland oo uu sheegay inaanay jiri doonin ee  ay bur-buri doonaan, haddii wax muddo kordhin ah loo sameeyo xukuumada haatan jirta marka muddo xileedkeedu dhamaado, isla markaana aan la yeelin sida uu isagu jecel yahay oo ah  in la qabto doorasho uu isagu Madaxweyne ku noqdo.
 
Gudoomiye Cirro waxa uu sidaas ku cadeeyey  qoraal uu ku sheegay   inuu ku soo bandhigayo wax uu ku tilmaamay  dhibaatooyin  ay Somaliland cagaha la geli doonto haddii doorashada dib loo dhigo ama xukuumada loo sameeyo wax uu ku tilmaamay muddo kordhin sharci darro ah.
 
Qoraalkaas dayrada  iyo belaayo sheegnimada ah ee Gudoomiye kaga dar daraar werinayo mustaqbalka iyo wada jirka ummada reer Somaliland oo aanu ka soo xiganay shebekada wararka ee Ramaasnews.com oo ka mid ah mareegaha Internet-ka ee la saxan  WADDANI waxa uu u dhignaa oo Guddoomiye Cirro ku  yidhi sidatan:-
 
“Cawaaqibka ka dhasha Muddo kordhin aan sharci ahayn oo loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo waxay keenaysaa:-
1.Khilaaf siyaasi ah oo aan la mahadin, iyo in dib loogu noqdo Jahwareerkii sannadihii 2008-2009.

  1. Khatar hor leh oo soo wajahda midnimada Somaliland, taas oo ku soo biirta xaaladda imikaba ka jirta galbeedka iyo Bariga Somaliland iyo in dadku ka aamin baxaan Hay’addaha ugu sarreeya dawladda, taasina ay keenayso in Somaliland wajahdo caqabadaha ka jira Gobolkan aan xasiloonayn.
  2. Waxay keenaysaa shaki ay qaadaan saaxibada Somaliland ee ay ka go’an tahay hirgalinta geedi socodka dimuqraadiyadda;
  3. Haddii dib loo dhigo doorashada Somaliland ee 26-06-2015, waxay ku fidi kartaa doorashada 2016-ka ee Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, taasina waxay keeni kartaa cawaaqib aan dan u ahayn Somaliland mustaqbalkeeda.”

 
Hadaba qoraalkan  uu soo saaray Gudoomiye Cirro, oo ah mid isugu jira habaar, cabsi gelin, niyad jebin bulsho, dayro siyaasadeed iyo hanjabaad toos ah  oo sida  laga dhadhansan karayo dulucda qoraalkiisa uu ku sheegayo in qaar ka mid ah beelaha reer Somaliland oo aanu magacaabini ay dagaalami doonaan Haddii xukuumada wax  muddo kordhin ah loo sameeyo, taasina ay keeni doonto in dalka ay soo wajahaan fawdo, bur bur, nabadgelyo darro iyo   qalalaase siyaasadeed oo sababa in Somaliland lagu darro oo ay la mid noqoto dhulalka aan deganayn ee fawdada iyo colaadahu ka jiraan.
 
Dhinaca kalena shacbiga Somaliland ayaa dhabarka u soo jeediyay baaqyadda C/Raxmaan Cirro oo ay ku sifeeyeen arragti habowsan, waxa kaliya oo taageero u muujiyay odayaal ka soo jeeda beesha galbeedka Burco oo iyagu khalad iyo sax-ba garab taagan Guddoomiyaha WADDANI.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply