Shirkadda ‘Xalay Waxa Dhintay Qofkii Horumarka Hor Taagnaa’

0
338

Subax hore ayay shaqaalihii shirkadu yimadeen goobta shaqada, waxayna ku arkeen Albaabka muhiimka ee laga galo Shirkadda boodh ay ku qoran tahay:” Xalay waxa dhintay qof hortaagna horumarkaaga iyo horumarka shirkadda, waxaan rajaynayaa inaad iman doontan hoolka Maydku yaallo”. Markii ugu horaysay shaqaaluhu waxay ka naxeen dhimashada mid ka mid ah shaqaalahooda, laakiin haddana muddo yar ka dib shaqaaluhu waxay ogaadeen qofkaasi hortaagan horumarkooda iyo kan shirkdooda.
Shaqalaha aya bilaabay inay galaan hoolka uu yaalay naxashka uu ku jiray, oo ay  ciidanka amaanka shirkadu la wareegeen si qof kasta markiisa ay ugu sii dayn lahaayeen inuu arko naxashkaasi. Qof kastaa marka uu eego Naxashka waxa uu noqdaa mid yaaban oo aan hadli karayn. Maxaa ku jiray naxashka?  Kafanta naxashka dhex taallay waxa ku jiray Muraayad uu qof kastaa iska arkayo, dhinaceeda waxa yaalay boodh yar oo ay ku qorayd “ Dunidan waxa jira hal qof oo keliya oo xaqiijin kara hamigaaga iyo riyadaada kaasina waa kan muraayadda kaaga muuqda waana adiga, ”  Noloshaada isma bedelayso haddii la bedelo maamulahaaga , saaxibada, gabadhaada  ama goobta shaqada. Noloshaadu waxay is bedelaysa marka aad adigu is bedesho . Haddaba ka faa’iidayso awoodahaaga hana ka baqan culaysyada noloshu leedahay. Horumarku wuxu ku jira fikirkaaga, dadaalkaaga iyo guud ahaan gacantaada.
 

Leave a Reply