Nooc Cusub Oo Xanuunka AIDS-ka Ah Oo Lagu Arkay Wadanka Cuba

0
362

Waxa dalkaasi Cuba markii ugu horeysay lagu arkay nooc cusub oo kamid ah xanuunka AIDS-ka,kaas oo aad uga duwan xanuunkii hore ee caalamku yaqaane,waxaanu lee yahay calaamado uu kaga gedisan yahay iyo kuwo uu kula mid yahay xanuunkaas intaba.
Xanuunkan oo ay heleen dhakhaatiir u dhalatay dalkaasi Cuba ayaa sheegay inuu xanuunkani qofka qaba jidhkiisa ugu fidaayo si ka duwan kii hore,gaar ahaana si ka deg deg badan ,iyaga oo sheegay in ay u malaynayaan inuu muddo saddex sanno ah oo uu dadkaasi hayey weji kale yeeshay.
Xanuunkan ayay dhakhaatiirtu sheegeen in si walba loogu kala qaadi karaayo galmada,gaar ahaana haddii la xidho qalabka ay inta badan gaaladu kula taliso dadka inay xidhaan,waxaanay sheegeen in aanu jirin wax lagaga hortegi karaa,gaar ahaana waxyaalaha lagaga hortago AIDS-ka.
Dhakhaatiirtan ayaa intaas raaciyey inuu si deg dega u dhaafaayo wejiyada HIV-ga  oo ah mid marka xanuunka caadiga ah ee AIDS-ka laga hadlaayo mid maraaxil badan mara.
Ugu dambayna waxay kooxahaasi  sheegeen in ay adag tahay si loola tacaalo xanuunkaasi,waxaanay warbixin dheer kusoo daabaceen wargeyska lagu magcaabo EBioMedicine oo dalkaasi kasoo baxa.

Leave a Reply