Indonesiya oo ku Adkaysanaysa Fulinta Dil Maxaabiis Ajnabi ah

0
368

Madaxweynaha Indonesia, Joko Widodo, ayaa sheegay in 11 qof oo lagu xukumay dil, maalmaha soo socda la toogan doono, in kasta oo uu jiro cadaasi caalami ah oo ka dhan ah daldalaadaasi.
Mr Widodo ayaa sheegay in aanay jirin cid soo faragalin karta xaqa uu dalkiisa u leeyahay in uu fuliyo xukun dil ah.
Kow iyo tobonkaasi qof ayaa waxaa ka mid ah muwaadhiniin u dhalatay dalalka Australia, Brazil iyo France, waxaana intooda badan lagu helay dembi ah in ay darooga ka ganacsanayeen.
Maxkamad ku taalla Indonesia ayaa diiday racfaan ay xukunka dilka ah ka qaateen, laba muwaadin oo Australia u dhalatay.

Leave a Reply