Madaxweynaha Ruushka oo ka Hadlay Heshiiskii Minsk La wadaag

0
429

Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay heshiiska nabada ee Minsk, oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, in uu yahay wadada saxda ah ee caadi looga dhigi karo xaalada taagan, taas oo daba socotay bilooyin uu socday dagaal oo midowga Yurub iyo Maraykankaba ay eeda dusha kaga tureen xukuumada Moscow in ay hubaynayso ayna taageerayso falaagada gooni u goosadka.
Waa faaladii ugu dheereed oo uu bixiyo tan iyo markii la gaadhay heshiiska Minsk laba isbuuc ka hor, kaas oo ay qeyb ka ahaayeen hoggaamiyayaasha Ruushka, Ukraine, Faransiiska iyo Germalka.
Mr Putin ayaa ku tilmaamay waxaana dhici karin in colaada ka jirta Ukraine ay isku badasho gacan ka hadal uu Ruushku ku lug yeesho.
Waloow wareysi u siiyay telefishanka qaranka ee Ruushka uu sidoo kale ku adkaystay in Ruushka uusan dib ugu celinaynin Crimea gacanta Ukraine, taas oo ay Ruushku qabsatay ku dhawaad hal sano ka hor.
Vladimir Putin oo ay kalsooni badan ka muuqato isla markaana ka jawaabayay su’aalaha ku saabsan colaadda dalka Ukraine isaga oo dhoola caddeynaya.
Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in isagu ay u cadahay qaabka nabada ee Ukaraine, taasi oo ah in heshiiskii Minsk lagu gaadhay la dhaqan geliyo.
Mr Putin ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiska uu taageeray gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ay muhiimad gaar ah u leedahay xukuumada Moskow, inkastoo ilaa iyo haatan uusan dhamaan dagaalka ka socda gudaha.
Vladimir Putin ayaa si adag u tilmaamay waxa ka soo baxay heshiiska Minsk oo uu sheegay in uu awood dheeraad ah siinaya qeybaha bari ee Ukraine oo hadda ay maamulaan fallaagada gooni u goosadka ee uu Ruusku taageero.
Waxa ay u muuqataa in Moscow ay arrintaasi ku adkeysanayso si ay mustaqbalka u hesho galaangal siyaasadeed oo ay ku yeelato kiev.
Arrinta ku saabsan in Ruushka uu ku duulaya Ukarine ayaa Mr Putin waxa uu ku gacan seydhay caddeymaha muujinaya in uu ciidamo u soo diray gudaha Ukraine si ay u taageeraan fallaagada.
Waxa uu sheegay in xukumadda Kiev ay eedahaasi u soo jeedisay Ruushka, si ay u qariso waji-gabaxa ay kala kulantay dagaalka oo ay ceeb u aragtay in wasiiro hore iyo darawalada cagaf-cagafyada ay ka itaal roonaadaan ciidamadeeda milatariga.
Waxa uu ku jees jeesayay arrinta gobolka Crimea oo Ruushka uu dalkiisa ku darsaday sanadkii la soo dhaafay.
Mr Putin ayaa kula taliyay madaxweynaha Ukraine in uu xoogga saaro sidii uu dalkiisa uga badbaadin lahaa burburka dhaqaale ee soo wajahay halka uu wacadka ku mari lahaa in uu dhulkaasi dib u soo ceshado.
Inkastoo caalamku uu cambaareeyay isla markaana cuna-qabatayn lagu soo rogay ayaa Vladamir Putin waxa uu mar kale caddeystay in dadka reer Crimea ay u codeeyeen in ay ku biiraan Ruushka, sidaasi awgeedna caalamka ku aqbalay.
 

Leave a Reply