Shir Lagu Dersayo Qorshaha Horumarinta Gobolka Togdheer Oo Burco Ka Furmay

0
445

Burco (Dawan): -Wasiirka  Qorshaynta qaranka  Sacaad Cali Shire ayaa shalay  Magaalada Burco ka furay shir lagaga hadlayay qorshaha Gobolka Togdheer ee   shanta sanadood ee soo socda.
 
Shirkan oo ay soo qabanqabisay wasaaradda qorshayntu    waxa uu ka qabsoomay  xafiiska xarunta Gobolka,  waxaana ka soo qaybgalay maamulka Gobolka, ka   degmoyinka Gobolka, Saraakiisha laamaha dawlada ee heer Gobol, xubno ganacsato ah iyo qaar ka mid ah  ururadda Bulshada.
 
Kulankan  oo u gudoominayay Wasiirka wasiirka qorshayntu  ayaa waxa lagaga dooday caqabadaha hortaagan qorshayaasha waxqabad ee Gobolka.
 
Sidoo  kalena waxa lagu magacaabay gudi ka kooban 39 xubnood  oo  kana  shaqayn doonta horumarinta Gobolka, gudidaasi oo uu   guddoomiye u yahay Badhasaabka Gobolku.
Wasiirka qorshaynta oo furitaanka shirkaasi hadal ka jeediyay   ayaa faahfaahin ka bixyay u jeedadda shirkaasi iyo waxyaabaha ay hawshoodu tahay gudidda la magacaabay.
 
 
 
 
 
waxaanu yidhi  “Wasaaradu waxay qabilsan tahay dejinta baahiyeheenu  sida ay u kala mihiin san yihiin. shirkana waxaynu isugu nimid  qorshaha wax-qabad ee Gobolkan ee 2015 ilaa 2016 in aynu si fiican isula jaan-qaadno  una samayno gudi uu Badhasaabka Gobolku guddoomiye u yahay.  kuwaas oo la doonayo inay isku duba ridaan qorshaha gobolka sidii loogu tallo galay. waxaana  mihiim ah  in aynu fahamno in aynu inagu wax-qabsan karo oo aynaan  cid kale wax laga sugin”.
 
Waxa kale oo Wasiirku intaasi  ku daray in qorshihii ay wasaaradu dejisay ee shanta sano ay wax badani ka qabsoomeen waxbadanina hadhsan yihiin. ugu danbayntina  wasiirku waxa uu  kula dardaarmay gudidda horumarinta gobolka ee ay sameeyeen inay muddo bil ah ku  soo dersaan xeerarka loogu tall-ogalay inay gudidani ku wada shaqayso.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply