Wasiirka Maaliyadda Oo Burco Ka Bilaabay Nidaamka Dakhliga Cashuuraha Kor Loogu Qaadayo

0
429

Hargeysa (DAWAN)-  Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md.Cabdicasiis Maxamed Samaalle  oo socdaal shaqo oo ay ugu kuur-galayaan laamaha dakhli soo saarka ku maraya gobollada bariga dalka, ayaa Booqday dhawr xarumood oo kuwa dakhliga ah , Dugsiga Dhegoolayaasha iyo Madaarka Burco.
Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga ay Face-book-ga ku leedahay wasaaradda Maaliyaddu,waxaanay warbixintaasi u dhignayd sidan:-
“Waxa  maanta  (shalay) oo taariikhdu ahayd 24/02/2015 galay Maalintii sadexaad kormeerkii shaqo ee Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Agaasimaha Guud ee wasaarada Maaliyada Mudane Saleebaan Jaamac Diiriye iyo agaasimayaasha waaxaha ee safarkaas ku wehelinayey ay ku joogaan Gobollada Bariga, Halkaas oo ay ka wadaan Hawlaha Dakhliga kor loogu qaadayo isla markaana lagu kormeerayo hawl-wadeenada kala duwan ee wasaarada maaliyada uga Hawl gala Gobolada Bariga Somaliland, Isla markaas waxa ay weftigaasi hawl dakhli kordhin ah ka Bilaabeen magaalada Burco ee caasimada gobolka Tog-dheer ka dib markii ay 23/02/2015 ay kormeer ku soo mareen gobolka Sool iyo gobolka Saraar.
Waxa Agaasimaha guud, agaasimaha waaxda cashuuraha Beriga iyo agaasimayaasha kale ay ka bilaabeen hawl socodsiintii shaqada cashuuraha Beriga xafiisyada cashuuraha Beriga ee kala ah Maxamed  Cali,Sheekh Ibraahim iyo xafiiska cashuuraha beriga ee xarunta dhexe.
Sidoo kale waxay ay kulan kula qaateen xafiiskiisa xoghayaha dawlada hoose ee degmada Burco  Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan Nuur, halkaas oo lagu heshiiyay in si wadajira looga shaqeeyo ururinta cashuurta gaar ahaan cashuurta kala wareejinta Hantida oo xoghayuhu uu balan qaaday in uu wax weyn kala qaban doono wasaarada maaliyada cashuurta kalawareejinta iyo cashuuraha kale ee dawlada hoose ee Burco ay u qaadaan Wasaarada maaliyada.
 
Waxa kale oo isla Maanta (shalay) uu Wasiirka Maaliyada oo uu wehelinayo Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ay kormeer ku soo mareen goobaha adeega Bulshada sida iskuulada dawlada iyo sidoo kale iskuulka dhegoolayaasha oo Wasiirka maaliyadu uu Balan-qaaday in uu wax weyn la qaban doono.sidoo kale waxa uu soo Booqday Garoonka diyaaradaha degmada Burco kaas oo wasaarada Maaliyadu ay miisaaniyadan 2015 iyo kuwii ka horeeyayba ay dhisme iyo dayactirba ugu dartay.”
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply