Xukuumadda Iyo Xisbiyadda Oo Ka Tashaday Wada-hadallada u socda Somaliland Iyo Soomaaliya

0
452

Hargeysa (Dawan)  Guddida Xukuumadda Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland, Soomaliya iyo saddexda xisbi qaran, ayaa shalay yeeshay kulan ay ujeedadiisu ahayd sidii la iskaga xog waraysan lahaa arrimaha wadahadalada, islamarkaana afkaar iyo tallooyin la isku weydaarsan lahaa.
Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda arrimaha dibada, ayaa Wasiirka arrimaha dibada Somaliland mudane Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay inay saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira u casuumeen sidii ay afkaarta iyo tallooyinka ay hayaan uga dhiiban lahaayeen, wasiirku isagoo arrimahaas ka hadlaaya waxa uu yidhi “Waxaanu maanta (shalay) halkan ku lahayn shir oo aanu ku soo marti qaadnay saddexadii xisbi qaran ee dalka, waxaana soo marti qaaday guddida qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, sidaad ula socotaan wadahadaladii way soo dhawyihiin waxaanan u soo casuunay saddexda xisbi qaran in wixii tallo iyo wadatashi ah aanu la yeelano, aad baanan ugu mahadnaqaynaa saddexda xisbi qaran oo ka soo qaybgalay casuumada aan u fidiyay waxaanan uga mahadnaqayaa afkaarta kala duwan ee ay na siiyeen. Sidaad ula socotaan wadahadalada wakhtigooda waxa leh Xukuumadda Somaliland  oo shacabka iyo golayaasha qaranku waxay u xilsaarteen dawlada madaxdeeda inay matalaan xaga wadahadalada, annaga oo tii tixraacayna waxaanu garanay inay muhiim tahay in aanu afkaar kala duwan dhagaysano oo talladooda qaadano oo aanu u sheegno waxaanu u socono aad baanan u wadahadalnay.”
 
Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi  “Waxaanan  idin sheegaynaa in aanu tagayno wadahadalada wakhtigii loogu tallo galay oo taasina mid naga go’an ay tahay, waanan dhagaysanay oo xisbi ka mid ah saddexda xisbi qaran ayaa qudhiisu ku talinayay  maadaama oo ay doorashooyinku soo dhawyihiin in la yara hakiyo, sadexda xisbi qaranba waxay isku waafaqasan yihiin in wadahadaladu ay danta Somaliland yihiin, hase yeeshee waxay ku taliyeen in la yara hakiyo inta doorashadu soo dhawadahay, laakiin wadahadalada iyo doorashadu shaqo iskuma laha.”
 
Maxamed Biixi waxa uu sheegay in wadahadalada iyo doorashooyinku ay yihiin laba aan shaqo isku lahayn, isagoo arrintaa ka hadalaayana waxa uu yidhi “Doorashada waxa u xilsaaran guddida doorashooyinka,  wadahadaladana anigaa u xilsaaran markaa waxaan u cadaynay in aanu wadahadaladii ka qayab gelino  waanan uga mahadnaqaynaa afkaartii ay noo soo jeediyeen, waxaanan doonaynaa markaanu soo noqono in aanu war buuxada ka siino waxyaabaha aanu ku heshiinay,  waxa weeyaan markaanu ka soo noqono wadahadalada in aanu warbixin buuxda siino oo saddexda xisbi qaran aanu talladooda dhagaysano, aadbaanan uga mahadnaqaynaa imaanshaha ay noogu yimaadeen.”
 
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xisbi ahaan ay Xukuumadda ku taageersan yihiin inay sii socdaan wadahadaladu, waxaanu yidhi  “Wasiirka Khaarajigu waxa uu nagu soo wargeliyay xisbi ahaan iyo labada xisbi qaran ee kaleba in aanu ugu nimaadno Wasaarada oo isaga iyo guddidii loo qorsheeyay inay wadahadalada ka qayb gasho oo Wasiirka khaarajigu hogaaminayo,  xubno Wasiiro ah iyo xubno Guurtida iyo Wakiilada ka tirsan ay ku jiraan in xisbiyadu ay halkan ugu yimaadaan si wada tashi loogu sameeyo waftiga ambabaxaya iyo wixii tallo ah laga siiyo wadahadalada ay u ambabaxayaan.” Maxamed Kaahin isagoo hadalkiisa siiwata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Anagu xisbi ahaan xubnahayahagii ka soo qayb galay oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha golaha dhexe iyo Xoghayaha guud, xisbiyada qaranka ee kalena way yimaadeen oo tallooyin wixii la siinayayo waa la siiyay oo waanu ku taageernay wadahadalada, waayo muddo dheer baynu ku soo jirnay markii horena wadatashi balaadhan oo noocayada kala duwan ee bulshada Somaliland ay ka tallo dhiibatay ayuu ahaa, waxa laga wadahadlay waxay ahayd in Somaliland ay ujeedo leedahay Somaliya ujeedo leedahay oo lagu adkaysto ujeedadeena odhanaysa gooni isku taaga Somaliland waa muqadis, Soomaaliyana waxaynu ka wadahadlaynaana ay tahay labada dal oo walaalo ah oo dawladaha geeska afrika ee IGAD ka wada tirsan oo u baahan in aynu jaar wanaag la noqono, wadahadaladuna ay sidoodii ku sii socdaan, waanan ku taageersanahay inay sidaas ku socdaan.”
 
 
Ku xigeenka Xog-hayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa ka hadlay mawqifka xisbigoodu ka taagan yahay wadahadalada, waxaanu yidhi  “Xisbi ahaan waanu ogolnahay inay wadahadaladaasu ay socdaan oo nidaamkii hore ugu socday ay galaan, rutii waanu u sheegnay in wadahadalan Turkiga la soo gabogabeeyo oo aan la tegin, laakiin waxay noo sheegeen oo markii Madaxweynayaasha Somaliland, Soomaaliya iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay Jabuuti ku kulmeen in balanta ay hore u galeen oo markaa balantaa ay galeen aanay ka bixin karin sidaasaanay nagu qanicyeen, maadaama oo ay balantaasi jirtay ay inagu ceeb tahay oo dawlad aynu jeer nahayna goob joog ka ahayd in balantaa aynu galnay ka baxno ay qalad inagu tahay, markaa taas ayaanu anaguna ku taageernay. Wixii afkaar ahna ee aanu haynayna waanu u sheegnay, wixii ay kala soo noqdaana waanu eegi doonaa.”
 
Sidoo kale Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ka socotay Xisbiga WADDANI ayaa halkaasi ka hadashay, ayaa waxay sharaxaad ka bixisay aragtida xisbi ahaan ay ka qabaan wadahadaladas, iyadoo arrintaas ka hadlaysa ayaa waxay tidhi “Dood badan ayaanu galnay welina anaga WADDANI ahaan waxaanu taaganahay, maanta wadahadalkaasu waxba inooma soo hoynayo, waxaana fiican in doorashooyinkeenii oo weli aynu salkii u dhigin aynu u soo jeedsano sidii aynu doorasho xor iyo xalaal ah u qabsan lahayn oo wakhtigeediina ku qabsoonta.” Faadumo Siciid iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay intaa ku dartay oo ay tidhi “Wadahadalka kama soo horjeedno, laakiin waxaanu leenahay inaga oo wax wanaagsan oo aynu ka midaysanahay saddexda xisbi, dawlada baarlamaanka iyo shacabka ajande wanaagsan oo loo aayo aynu la tagno, laakiin afartan bilood ee aynu doorashada ku jirno ee aanay weli salka u dhigin ma haboona.”
 
Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxay kulano wada tashi ah la lahayd laamaha kala duwan ee qaranka, kulankii kan ka horeeyay ayaa uu wasiirka arrimaha dibadu kalan wada tashi ah la yeeshay guddi hoosaadka golaha wakiilada u qaabilsan ariimaha dibada.  Kulankii wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee ka qabsoomay dalka Jabuuti ayaa waxa lagu balamay in bishan labaad dhamaadkeeda kulan kale lagu yeesho dalka Turkiga, si halkaas looga sii aboqaado wadahadaladii u socday labada dal.
 
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply