Waxtarka Kalluunka Ee Hooyooyinka Uurka Leh Iyo Hal Maado Oo Looga Digay

0
409

Warbixin laga soo saaray dalka Ingiriiska, isla markaana uu baahiyay Wargeyska caanka ah ee arrimaha caafimaadka ka faalooda (The Lancet), ayaa lagu faaqiday faa’idooyinka aadka u muhiimsan ee uu u leeyahay cunitaanka kalluunku hooyada uurka leh.
Daraasadan ayaa muujisay haddii hooyada uurka lihi cunto todobaadkii 340 garaam oo kalluun ah inay wax badan oo caafimaad ah dareemayso, gaar ahaan hab-dhiska maskaxda iyo dheefshiidka.
Warbixintan ayaa soo qaadatay warbixin horee looga soo saaray dalka Mareykanka, taasoo uga digeysay dumarka uurka leh inay cunaan kalluunka, balse daraasadan laga soo saaray dalka Ingiriiska ayaa meesha ka saartay digniintaasi, waxayna kula talinaysaa dumarka uurka leh inay wax badan ka cunaan kalluunka.
Dhakhaatiirtu waxay qireen inay jirto maado dhibaato keli ah ku keeni karto caafimaadka carruurta uurka ku jirta, taasoo lagu magacaabo (Zi-bag), balse faa’iidooyinka laga dhaxlayo cunida kalluunka badan in ay ka weyn yihiin dhibaatadaasi,  markaa waxay daraasadan uu qorey wargeyska The Lancet kula talinayssa in dadku ay badiyaan cunnida kalluunka.
Soomaalida ayaa dhaqan ahaan aan aad ugu wanaagsanayn isticmaalka kalluunka, balse muddooyinkan dambe, iyadoo la dareemayo inay soo yaraanayaan xoolihii noolaa oo hore ay bulshadeenu u dhaqan jirtay inay haystaan xilligan khayraad ka badan kii xoolaha oo ku jira baddeena.
 
 

Leave a Reply