Cabsi soo Wajahday Yahuudda Yurub

0
366

Yuhuuda ku nool qaarada Yurub ayaa xoojiyay amnigooda kaddib markii afar nin oo Yahuud ah lagu dilay dukaan ku yaallo magaalda Paris, mid shanaadna lagu dilay magaalada Copenhagen. Rabshadahaan Yahuud nacaybka ah ayay ka walwalsan yihiin Yahuudda d’ada yar oo waxay soo xasuusinaysaa xasuuqii Holocaust ee 70-sano ka hor dhacay. Halkan ka akhriso fikradaha afar dhalinyaro oo Yahuud ah oo ku nool Yurub. Yael, Denmark   Waa arrin fool xun. Mararka qaar waxaan dareemaa in aan badqabo, mararka qaarna waan cabsoodaa. Dilalkan mudda badan ayaan ogaa in ay imaan karto, marka aniga lama yaabin. Marar badan ayaan waydiisanay dawladda in ay na siiso ilaalo dheeraad ah. Haddii aad taariikhda Yahuudda wax badan ka taqaana, waad fahmi kartaa in qof Yahuud ah uusan dareemayn inuu ku badqabo Yurub haatan. Nicolas, France   Ma ahan wax fudud in aad ahaato xilligaan Yahuud Faransiis ah. Waxaa marwalba is weydiinaa waxay Yahuuddu mustaqbal ku leeyihiin halkaan. Waxaana qabaa in ay ku leeyihiin. Kuma nooli cabsi balse markaan aado goobaha laga dukaameysto, waxaa nafteyda ku soo dhacda in meeshani tahay meel la bartilmaameedsado. Yahuud naceybka ayaa sare u kaca sanad walba, dadka Faransiiskana aad iyo aad ayay u xaqiiqsadeen in arritaasi. Madaxweynaha wuu na taageeray waxa uuna sheegay in Farance aysan Yahuuda l’aanteed ahaan Karin. Taasna kuma raacsani. Qaar ka mid ah Yahuuda waxa ay doonayaan in ay Isra’iil u laabtaan. Aniga Isra’iil cabsi darteed uma aadi doono. Waxaan qabaa haddi ay tahay in qof uu ka baxayo Farance, ma ahan Yahuuda ee waa dadka naceb yahuudda. Viktor, Hungary   Noolosha Yahuudda ee bariga Yurub way ka duwan tahay meelaha kale ee dunida. Waxaan ku dadaalaa inaan wanaag u muujiyo dadka oo aniga ayaa ah qofka kaliye ee Yahuudda ah ee la yeqaanno halkan. Mararka qaar waxaan dareemaa in aan anigu qeyb ka ahayn bulshada Hungry, balse ma doonayo inaan ka tego dalkan. Balse xisbiga labaad ee ugu weyn dalkan, Jobbik, waxaa uu neceb yahay Yahuudda. Dagaalkii labaad ee adduunka ka hor, xaalku sidan ayuu ahaa, haatan waa inaan wax samayno. Ma doonayo inaan aamino in dhacdo taas la mid ay dhici doonto. Itay, Netherlands   Waa arrin laga argagaxo haatan in qofku uu noqdo Yahuudda Netherlands. Ilmo adeertaydu waxay wax ka dhigtaan Iskuulkii aan aniga wax ka soo bartay, maantana waxaa hortaagan waardiyayaal hubaysan. Haatan markaan la joogo saaxibbadayda Yahuudda waxaan ka sheekaysanaa halista iyo amni darrida na soo waajahday. Dhowr sano ka hor xaalku sidan ma ahayn.

Leave a Reply