Ciidammada Kongo oo Weeraray Fallaagada FDLR

0
348

Milatariga Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Kongo ayaa billaabay hawlgal ka dhan ah fallaagada Hutuuga ah ee reer Rwanda ee ku sugan bariga dalkaasi.
Hawlgalkaasi ayaa ah mid dowladdu ku fulineyso ballan ay horey u qaadday.
Waxaa uu weerarka ku wajahan yahay qiyaastii kun iyo shan boqol oo ka tirsan fallaagada FDLR kaddib markii ay hubka dhigi waayeen xilligii loo qabtay.
Hawlgalka Qaramada Midoobey ee nabad ilaalinta dalkaasi ayaa isaga baxay ka qeyb qaadashada hawlgalkaasi sababo la xidhiidha laba janan oo reer Congo ah oo looga shakisanaa in ay geysteen gabood falyo ka dhan ah aadanaha.
 

Leave a Reply