Masiixiyiin Siiriyaan ah oo Gacanta u galay Daacish oo loo Baqayo

0
341

Waxa jirta cabsi laga qabo masiixiyiin waqooyi bari Siiriya ay ka afduubeen kooxda Daacish.
Wararka hore ayaa ku sheegayay tirade dadka la waayay 90 qof.
Haseyeeshee waxa la sheegayaa in dad ka badan 285 qof la qabsaday Isniintii gobolka Hassakeh.
Dadaallo lagu doonayo wadahadallo ku saabsan dhexdhexaadintooda ayaa la sheegayaa in ay socdaan.
Ilaa 1,000 qoysaska masiixiyiinta ah ee deegaanka ayaa la rumaysan yahay in ay ka carareen guryahoodii markii ay ku war heleen afduubka.

Leave a Reply