Xildhibaan Nacnac Oo Si Adag Ugu Jawaabay Xisbiyadda Mucaaridka

0
382

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa ka jawaabay hadalada maalmihii u dambeeyay ka soo yeedhayay xisbiyadda mucaaridka ah ee ay kaga hadlayaan arrimaha doorashooyinka.
Mudane Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ugu baaqay xisbiyadda mucaaradka ah in ay u tudhaan dalka isla markaana ay ka waantoobaan hanjabaada ay caadaysteen.
Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “waxa aan leeyahay xisbiyadda mucaaradka ah dalka u tudha. mucaaradnimaduna hanjabaad maaha waxaas ayaan samaynayaa maaha.
Xildhibaan Nacnac waxa uu sheegay in dalku leeyahay sharci lagu hagayo, waxaanu  yidhi “dalku sharci ayuu leeyahay sharcigaas ayaa lagu soconayaa, haddii muddo kordhin timaado Komishanka doorashooyinka ayaa soo qoraya in la kordhiyana golaha guurtidda ayaa shaqadaa leh laakiin hanjabaad iyo waxaas ayaan samaynaynaa, waxaan leeyahay dhul u dhiciina hubsada, dalku waa nagu qaali, waxyaabo badan ayaa loo soo maray, mucaaradnimaduna way idinku cusub tahay ee samaysta  barnaamij siyaasadeed, halkaanu ka eegaynay in barnaamij soo dhigaan ayuun bay yidhaahdee 26 Juun goleyaasha ha la kala diro, haddii ay suurogali waydo in doorashooyinku qabsoomaan wax dhacayaa ma jiro,
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply