Apple Oo Soo Saartay Taleefoon Muujinaya Sawirada Lagu Galo Iyo Meelaha Laga Soo Diro ama Loo Diro

0
396

Shirkadda Apple ayaa diyaarinaysa qaab cusub oo ay doonayso inay u samayso Mobiles-ka ay soo saarto,iyada oo ku daraysa Camera ka badan intii ay hore u lahaayeen,waxyaalaha kale ee lagu soo kordhiyey waxa kamid ah qaab cusub oo uu sawiradda u qaadayo,gaar ahaana isaga oo sheegaaya meesha  qofka sitaa uu sawirka ku galay.
Waxa kale oo uu si dhakhso ah Album ugu samaynayaa sawiradaasi iyo waxyaalaha kale ee laga soo download gareeyo intaba,isaga oo si habaysan u dhigaaya waxyalahaasi,waxaanu muujinayaa sawiradda loo diro  asxaabta halkii laga soo diray iyo halka loo diray intaba.
Habka uu u shaqaynaayo ayaan la shaqaynayn mobiles-ka  ay soo saaraan shirkaddaha Iphone iyo Ipad,kuwaas oo aan soo saaray meelaha ay kasoo dirayaan sawiradda iyo meelaha lagu qaaday dadka sitaa,iyada oo ay adag tahay inuu si fudud u tilmaamaa,waxaana loo baahanayaa in la furo meelo Camera-da kamid ah marka la doonaayo inuu meelahaasi tilmaamo ama muujiyo.
Sidoo kale markaad doonayso inaad xidho ayaad tegay Camera ,adiga oo sidoo kalena kasii tegaaya Option isla markaana ka dhigaaya meelo kamid ah options-ka Never,taas oo diidaysa ama joojinaysa inuu muujiyo meelaha sawirka lagu galay iyo meelaha laga soo diray ama loo diray.
 

Leave a Reply