Dhakhtarkii Hore ee Madaxweynaha Ruwanda oo Toogasho lagu Dilay

0
369

Ciidanka Booliska ee Dalka Ruwanda ayaa sheegay inay baadhitaan ku hayaan sababaha uu u dhacay shil ay Boolisku ku toogteen dhakhtarkii hore ee madaxweynaha Dalka Ruwanda.
Dr Emmanuel Gasakure oo ah sarkaal u hadlay ciidamada ayaa shaaciyey in askar heegan ku jirtay ay toogasho ku dileen dhakhtarkaasi oo illaa bishii tagtay ahaa dhakhtarka shaqsiyadeed ee Madaxweyne Poll Kigama, waxana uu intaa ku daray in Dhakhtarku isku deyay inuu qoriga ka qaado askariga, falka lagu dilayna uu yahay mid difaacu nafsi ah.
Sarkaalkani waxa uu sheegay in ciidanku markii hore joojiyeen dhakhtarkaasi oo xiligaa sakhraansanaa, ka dibna ay goor dambe u ogolaadeen in uu talefoon dirsado, hase yeeshee uu si kediso ah ugu booday askari gaadh u taagnaa oo isku deyey in uu qoriga ka qaado, taasina ay keentay in askarigu toogto.
Dr Gasakure oo ah dhakhtarka la dilay ayaa muddo dheer u soo adeegayey madaxweyne Kugama iyo qoyskiisa iyadoo bilowgii bishii ina dhaaftay ee janaury uu Madaxweynuhu shaqada ka caydhiyey ka dib markii uu ku batay shilal is dabo jooga oo la xidhiidha isticmaalka mukhaadaraadka.]
Sida la ogyahay waxaa su’aalo badani ka dhasheen safar uu Dhakhtarku sanadkan bilowgiisii ku tegay Dalka Maraykanka, su’aalahaa oo la xidhiidhay dhaqankiisa waxaana markaaba soo baxayey warar tilmaamaya in Madaxweynuhu ka bedelayo shaqada caafimaad ee uu u hayo, taasoo si rasmi ah u dhacday.
 


 

Leave a Reply