Madagascar: Tiro dad ah oo Ku Dhintay daadad Ku Dhuftay Caasimadda

0
374

Ugu Yaraan 14 ruux ayaa ku dhintay 24 kun oo kalena waa ku barakaceen daadad ku dhuftay jasiiradda madagaskar ee K/Bari Qaaradda afrika.
Shaqaalaha gurmadka ayaa caddeeyey in daadadka ku dhuftay jasiiradaasi ay  ku dileen 14 ruux magaalada ANTANANARIFO ee caasimada ah, daadadkaas oo ka dhashay roobab halkaasi ka da’ayey mudo maalmo ah.
Xafiiska qaabilsan ka hortagga masiibooyinka ee wadankaasi ayaa caddeeyey in 14 ruux ku dhinteen daadadkaasi, halka ugu yaraan 24 kun oo kalena ay ku hoy beeleen, waxaana la banneeyey oo dadkii laga daadgureeyey xaafadihii ay daadadku sida xun u jiidheen ee ka tirsanaa magaalada ugu weyn jasiiradaasi. iyadoo dawladaha hoose ee Magaalada antananarivo lagu wargeliyey inay la socdaan oo cabiraan qiyaasta kor u kaca biyaha webiyada, xilli ay roobabkii da’ayey illaa 14-kii bishan sababeen inay webiyadu kor u kac sameeyaan qiyas dhan 25-30 Mm maalin walba.
Mas’uul ka tirsan shaqaalaha Gurmadka oo arimahaasi uga warbixiyey wakaalada wararka ee Anadol ayaa yidhi sidan: ‘Saacadihii hore ee Jimcaha waxaanu ku wargelinay dawladda in dadka laga daadguraynayo xaafadaha hoose ee magaalada antananarivo oo ay ku soo buttaaceen webiyada kala ah Ikopa, Sisaony iyo Mamba, isla markaana ay ka dhalan karaan daadad hor leh oo cusub.
Sida la ogyahay Magaalada Caasimada ah ee Antananarivo waxay ka soo kabanaysay duufaanadii ku dhuftay jasiiradaasi 17-kii bishii ina dhaaftay ee janaury, kuwaas oo ay ku dhinteen 51 ruux, tiro kale oo badana saamayn kala duwan u gaystay.
 
 
 
 

Leave a Reply