Bangiga Hsbc Oo Baaritaan Lagu Samaynayo Xisaabaadkiisa Iyadoo Laga Baadhayo Lacago Sharci Daro Ah

0
408

Dembi baarayaasha dalka Switzerland ayaa galay oo baaritaan ku sameeyay qeyb ka tirsan mid ka mid ah bangiyada adduunka ugu waaweyn, oo lagu magacaabo HSBC, taasi oo qeyb ka aheyd baaris la xiriirta lacago sharci darro ah.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in baarista ay ka dhalatay warbixino dhawaan saxaafadda loo dusiyay oo sheegeysa in bangiga uu ka kaalmeeyay macaamiil maalqabeeno ah inay canshuurta la dhuuntaan.
Dhanka kale masuuliyiinta baanka HSBC ayaa sheegtay inay la shaqeyneyso mas’uuliyiinta dawlada Switzerland ay ku samaynayaan baadhitaanka.
Madaxa bangiga HSBC, Staurt Gulliver, ayaa todobaadkii lasoo dhaafay raali gelin ka bixiyay wax uu ugu yeeray dhacdo taariikheed isagoo sheegay in si buuxda loo dhinac maray hababka bangiyada gaarka ee Switzerland.

Leave a Reply