Maxaa Keenay Dib Ugu Noqoshada Raad Arooryo?

0
362

Waxa ay Soomaalidu tidhaa qof aan ballan iyo wacad lahayni waxba kama duwana ka bilaa Diinta ah. Sidoo kale dadka muslimiinta ah waxa ka reebban inay buriyaan heshiisyada ay galaan, maadaama Diintooda suubani farayso in sideeda ay u fuliyaan hadday heshiis wada galaan cid kale oo xataa aan muslin ahayn, haddii aanay xaggooda  ka burin heshiiskaasi dhammaantii ama qeybo ka mid ah.
 
Haddaba, sidaan la socono wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxay soo mareen maraaxil kala duwan, iyadoo wada hadalladan muddada dheer soo jiitamayey ka soo unkameen carriga Boqortooyada  Ingiriiska oo uu kulankii ugu horreeyey ku qabsoomay magaalada London 12 Feb. 2012, kadibna halkaa laga sii ambaqaaday, iyadoo kulannadii xigay ee ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkigana ay labada dhinac ku wada gaadheen heshiisyo seeska loogu  dhigayay sii socodka wada hadallada Somaliland iyo Somaaliya.
 
Suurtagal ma noqoteen in wada xaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland u dhaxeeyey soo gaadho maanta ( 01 March.2015 ) haddii aan bilowgii furitaanka wada hadallada labada dhinac laysla qaadan oo aan lagu heshiin jawaabta saddexda su’aalood ee kala ah:-

  1. Yaa  wada  hadlaya?

2.Maxaa  laga  wada  hadlayaa?
3.Qaabkee  loo  wada  hadlayaa?
Su’aalahan saddexda ah waa kuwa guud ahaan ay  tahay in bilowga wada xaajood kasta oo laba dhinac ah waajib ku tahay inay si cad oo aan madmadaw lahayn uga soo saaraan jawaabo ay heshiis ku yihiin, si wada hadallada laysku soo horfadhiistay u noqdaan kuwa u sii socda oo aanay ku kala kicin labada geesood. Sidaa darteed Somaliland iyo Soomaaliya waxay si wada jira iyagoo miyirkooda iyo maankooda qaba uga jawaabeen uguna heshiiyeen saddexdaa su’aalood jawaabahooda.
 
Su’aasha koowaad, waxa ay ku heshiiyeen oo qalinka ku wada duugeen Somaliland iyo Soomaaliya, jawaabta ah, in loo wada hadlo laba dal oo kala ah Somaliland oo ahayd maxmiyadii Ingiriiska ee Xorriyaddeda qaadatay 26kii June.1960kii iyo Soomaaliya oo Talyaangu gumeysanayey kana qaadatay Xorriyaddeeda 1dii July.1960kii.
 
Ta labaad waxa iyana ay ku jawaabeen, kuna heshiiyeen oo ay labadooduba saxeexeen, in waxa laga wada hadlayaan yihiin in la kala go’o, in midowgii bilaa shuruuda ahaa halkiisii laga sii wado iyo in la noqdo dawlad Fedaraal ah.
 
Su’aasha ugu dembaysa waxay iyana si wada jir ugu heshiiyeen oo qalinka kuwada duugeen,in qaabka loo wada hadlayaa noqdaan dadkii ku kala noolaa labada xuduud ee ay kala lahaayeen labada dal xornimadoodii ka hor. Si qodobkaa saddexaad loo sii caddeeyo jawaabta saxda ah ee laysla qaatay waxay ahayd inaan qof Somaliland ah oo ku jira xayndaabka xuduudaheeda sinaba qeyb uga mid noqon karin xubnaha wada hadallada ee dhinaca Soomaaliya.
 
Waxba yuu hadalku ila sii durkine, mar hadday arrimaha wada xaajoodka labada dhinac saldhiggoodu ama aasaaskodu ku qotomay saddexdaa jawaabaha aan soo xusay ee ay si wada jirka ah ugu heshiiyeen Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana dalkii u fududeynayey wada hadalladooda uu goob-jooge ka ahaa, ma tahay wax la aqbali karo in Soomaaliya hoggaankeedu uu maanta oo la doonayey in laga wada hadlo ubucdii iyo ujeeddadii laysku soo horfadhiistay ay la shir yimaadaan madasha wada hadallada ee Istanbuul tallaabo burinaysa tiir ka mid ah tiirarkii suurtageliyey in wada hadalo furmaan, sida kusoo darsashada wada hadallada xubno kasoo jeeda Somaliland dhinaca weftiga metalaya Soomaaliya?
 
Jawaabta arrintan Soomaaliya ku jebinayaan heshiisyadii hore loo kala saxeexday, waa tallaabo ay u badheedheen hoggaanka Soomaaliya in aanay fulinayn wixii hore loogu wada heshiiyey, sidaana aan filayo inay weliba garab kaga helayaan ama kaga haystaan dalka Turkiga ay horeba shacbiga reer Somaliland uga walaacsanaayeen dhexdhexaadnimadeeda waayo, haddii kale sida uu caqliga fayaw ee aan dhinaca qudha ku buuxsanayni ina tusayo, Turkigu waa uu ka joojin lahaa xubnaha Soomaaliya jebinta qeybo ka mid ah heshiisyadii hore dalkiisa ugu wada saxeexeen labada dhinac.
 
Sidaa darteed, aniga waxay iila muuqdaan aragtidayda in Somaliland aanay la sii wadin Soomaaliya wax wada hadal ah oo dembe illaa ay cudurdaar [ apology ] ka bixiyaan jebinta heshiisyada hore loo kala saxeexday oo weliba ay ku jiraan aflagaadooyinka iyo dacaayadaha ay sida joogtada ah uga wadaan warbaahinta ee markaan ka gaabsanay haddana kusoo dhiiradeen siduu shalay subax sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Mudane Maxamad Biixi Yoonis in qoraal toos ah oo xambaarsan xadgudubyo lid innagu ah. Markaa mar hadday waxyaabahaas oo dhan ku kaceen waxa habboon inaan albaabada dib uga xidhano tan iyo intay daacad ka noqonayaan in laga wada xaajoodu masiirka labada Ummadood isla markaana raaligelin buuxda ka bixinayaa heshiisyada aynu hore u wada gaadhnay.
By: Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply