Halkaaga ku Mahad Naq

0
480

Nin da’ ah oo dhalay caruur isugu jirta hablo iyo wiilal ayuu xanuun kadida ku joojiyay ku dhacay.  Ubadkiisa ayaa geeyay dhakhtar kaasi oo si weyn u qaabilay, una daweeyay.   Ka dib markii uu Odaygu caafimaaday  ee kaadidu  ka timi ayay caruurtiisu u mahadnaqday dhakhtarka sida fiican ee uu ugu sheqeeyay una daweeyay. Laakiin aabaha ayaa aad ula yaabay oo madaxa ruxay isagoo murugo ka muuqato. Caruurta aya weydiisay maxa aabo ku helay ee aad la murugootay markii aanu u mahadnaqanay dhakhtarka ? Waxaana uu ugu jawabay 80 sano ayaan jiray, oo intaasi Allah(sw) caafimaad i siiyay oo aydaan dareemayn, nin qudha oo laba saacadood i daweeyay ayaad u mahadnqdeen.  Waxa wanaagsan inaad mar kasta halkaaga ku mahadnaqdo maxaa yeelay nimcooyin badan ayaad haysataa.

Leave a Reply