Madaxweynaha Iyo Wax-garad Ka Shiray Daminta Shaqaaqo Iyo Xiisad Colaadeed oo ka Oogan Buuhoodle

0
752

Hargeysa(Dawan):- Dawladda Somaliland iyo Wax-garadka beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle,ayaa ka wada hadlay sidii loo soo af-jari lahaa shaqaaqo colaadeed oo ka soo cusboonatay deegaankaas.
Kulanka lagaga wada arrinsanayay daminta shaqaaqo ka dhacday jiida u dhaaysa labadaas deegaan, ayaa shalay ku qabsoomay Qasiga Madaxtooyada Somaliland isla markaana uu guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ’Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,cuqaasha labada beelood,salaadiin Wasiirro iyo wax garad  kale.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo Dawan uga warramay kulanka Madaxtooyada ayaa intaa ku daray in Dawladda Somaliland daminta colaadda labada beelood si dhakhso ah loo soo af-jarayo isla markaana laga wada hadlay sidii ergo miisaan culus oo ka hawl gala furdaaminta  shaqaaqadaas loo diri lahaa,  waxaanu intaa raaciyay in tallaabada ugu horraysa ee dawladda Somaliland ay arrintaa ka qaadanaysaa uu yahay soo af-jaridda shaqaaqadaas iyo nabadaynta labada beelood oo wax kasta laga horumarin doono hir-galinta nabadaynta labada beelood.
 
Wasiir Cadamo oo ka hadlayay sida ay dawladdu uga xumaatay shaqaaqadan iyo dedaalka ay illaa imika qaaday,waxa uu yidhi “Arrintaasi waa dhibaato soo korodhay oo ka dhex dhacday laba beelood oo walaalo ah taasoo dib u soo cusboonaatay una baahan in balaayada halkaa ka dhacday aanay dib u dhicin ee halkeeda lagu damiyo laguna dhameeyo si taa loo sugana waxaa maanta (shalay) kulan qaran oo arrintan lagaga tashanayo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland kulankaasoo uu guddoominayay Madaxweynuhu waxaana ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan,cuqaasha labada beelood salaadiin Wasiirro iyo wax garad kale oo reer Somaliland ah kana go,an tahay in shaqaaqada colaadeed halkeeda lagu damiyo wefti ergo nabadeed ah oo miisaan culusna loo diro. Arrintaasina Qaranka way ka go’an tahay in la soo af-jaro oo wax kasta laga horraysiiyo nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah.”
Wasiirka oo aanu weydiinay shaqaaqada deegaankaa ka dhacday ee qasaaraha nafeed iyo dhaawacba keentay in ay ahayd dagaal maleeshiyada nabad-diidka ahi ciidanka Qaranka ku oo qaaday iyo in ay ahayd dagaal beeleed labada beelood ee walaahaha ah dhex maray,ayaa ku jawaabay.
“ma jiro mana dhicin dagaal ciidanka Qaranka iyo maleeshiyo dhex maray laakiin arrintu waxay ka hex dhacday labada beelood ee walaalaha ah ee isku deegaanka ah horena xaaladi way uga jirtay oo tii hore oo aan wali la dhamayn lagana wada boqsan ayay tanina dhacday,ciidanka Qarankuna maaha  ciidan dadkiisa weerara laakiin dadkooga ayay caawiyaan oo ay u gar gaaraan oo ay cadawga ka jiraan laakiin dagaalkani laba beelood oo walaalo ah ayuu dhex maray qasaare dhimasho iyo dhaawacna wuu jiraa laakiin qaranku wuxuu ka qaatay go’aan cad dhakhsona way u dhamaanaysaa illaa la soo afjaro oo labada beelood ee walaalaha ah xal ddhab ah laga dhex haliyana laga jeesan maayo waanay ka go,antahay Madaxweynaha golayaasha qaranka madax dhaqameedka labada beelood iyo guud ahaan wax garadka iyo samadoonka Somaliland in colaadda halkaa ka jirta la soo gunaanado taana hawsheedii waa laga wada hadlay waana la gelayaa.”
Wasiir Cadami oo aanu waydiinay goorta la filayo in ay baxaan ergada nabad doonka ah ee u kicitimaysa soo  af-jaridda dirirta beelaha walaalaha ah,ayaa “Horta qaranka way ka go’an tahay in arrintaasi nabad ku soo dhammaato oo dhakhso loo soo gunaanado intaan jundi shaydaan meel kale ka soo duulay fidnadaa sii hurin qarankuna maanta(shalay) wuxuu ku joognaa oo laga wada hadlayay sidii xal kama dambays ah loogu dhamayn lahaa imikana wax lala sii sugaaba ma taallo  oo xaaladu imika ayay taagan tahay,  sidaa darteed imika ayaa dhakso loogu amba baxayaa qarankuna u kala hadhi maayo nabadaynta labada beelood oo ah mid qaranka ku waajib ah xilna ka saran yahay dagaal reer Somaliland wiil kaga dhintana maalintiisii lama joogo, laakiin shaydaanul insi dadka ka dhex shaqaynaya oo aanu wanaagu deeqin  ayaa balaayada hurinteeda ku farxaya kana faa’iidaysanaya balse u ogolaan mayno in dadka walaalaha ah la isku dilo tanna shaydaan ayaa ka adeegay oo waa fidno fidnadana halkeeda ayaa lagu daminayaa insha allaahna way dhamaanaysaa oo halkaa innagu dhaafi mayso.”
 
Wasiirka oo ka jawaabayay tallaabada ay hadda qaadayaan ee u furan, waxaanu yidhi “Horta wax kasta waxaa ka horreeya hir-galinta nabad gelyada waajibkayaga koowaadna waa in aanu dadkaa walaalaha ah ee dhibaatadu kala gaadhay isu keeno oo aanu nabad dhab ah dhexdooda ka dhex dhalino  taasaana ugu horraysa markaan taa dhammayno ee horta nabad gelyada la wada qaato,ayaanu uga gudbaynaa wixii kale, dadku waa dad walaalo ah deegaan wadaag ah inan iyo abtigii ah xidid iyo xigaalba ah oo aan kala maarmin in colaadi ka dhex jirtaana maaha wax macquul ah.”
Wasiirka difaaca Somaliland oo aanu waydiinay in dagaalka ka dhacay aagga buuhoodle xidhiidh la leeyahay kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo,ayaa ku jawaabay.“Arrintu imika waxay dhex martay beelahaa walaalaha ah ee wada dega waxaanay la xidhiidhaa dhibaatooyin hore u dhacay, markaa halkeeda ayaa lagu dhamaynayaa ayaan ku idhi laakiin kooxdaa aad sheegayso iyo cid kasta oo kale oo ka xun nabadda iyo horumarka Somaliland ka hano-qaaday way ku farxaysaa waanay isku dayaysaa in ay ka sii faa’iidaysato markaa ta uu maanta(Shalay) uu qaranku ka shiray ee ka wada hadlay ee Madaxweyne, Guddoomiye Guurti, Madaxdhaqameed, Wasiirro iyo wax garadba loo kulmay ee daminta xaaladda lagaga wada hadlay waxna la iskula qaatay waa sidii aanay cadawgu u heli lahayn meel uu wax ku yeeli karo Somaliland markaa arrinta imika Qaranka ku wayn ee laga wada hawl galayaa waa nabadaynta labada beelood ee ab, isir iyo oodba wadaaga oo kal-gacalkii iyo is jacaylkii jiray lagu soo celiyo dhexdoodana laga saaro wax kasta oo wanaaga iyo wada jirkooda dhaawacaya.”
Ugu dambayn Wasiir Cadami oo aanu waydiinay marka ergadu arrinta gasho ee la isu keeno wixii ka soo baxa ee go’aamo ah cidda u hoggaansami wayda waxa dawlad ahaan uga meel yaalla,ayaa ku jawaabay.“Horta wixii xun lama saadiyo ee waa laga ducaystaa insha allaahna waxaan ;ALLE  ka baryayaa in aanay dhici doonin  labada dhinacba cid nabad gelyada iyo islaaxa diidaysaa dadkuna labada dhinacbana madaxdhaqameedkooda waanu kulanay waanay isku waafaqsan yihiin in nabad la wada qaato oo colaada halkaa lagu joojiyo ergada qaran ee arrintaa gashana lagu wada qanacsanaado oo waaba sababta Madaxwynuhu kulanka qaran ugu qabtay maanta(shalay) madaxdhaqameedka labada dhinac iyo Guddoomiyaha Guurtida iyo Salaadiintaba waxaanan kuu sheegayaa in ay qarank ka go’an tahay in ciddii markaa nabada ka hor timaadda in qaranku meel uga soo wada jeesto,laakiin taasi in aanay imanin ayaan ku rejo qabaa oo colaadda imika la soo afjari doono nabad iyo wanaagna ku dhamaan doonto.”
 
Dirirta  dhex martay labada beelood ee walaalaha ah,ayaa keentay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba taasoo maalintii jimcihii iska hor imaad  ku dhex maray reer guuraa ka kala tirsan labada deegaan ee Buuhoodle iyo Qori-lugud.
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply