Hurdo Faa’iido Weyn Keentay

0
481

Jaamacad ku taalla dalka Kolombiya ayaa macalin dhiga maadada xisaabta uu muxaadaro ka galay. Waxaana uu markii danbe ardayda usoo bandhigay laba su’aalood oo ilaa hadda laga jawaabi kari wayaay oo culimadu ku wareertay. Mid ka mid aha ardayda ayaa isagu  hurdo qabtay oo gamay. Markii muxaadaradii dhamaatay ayu ku toosay dhawaaqii ardayda. Waxaana uu sabuuradda ku arkay laba su’aalood oo ku qoran. Si degdeg ah ayuu u qortay ka dibna iska baxay. Ardayga ayaa aad isugu deyay inuu ka sheqeeyo wayna ku adkaatay ilaa ula tegay maktabadii jaamacada, ugu danbayntiina wuu dhameeyay ka dib afar maalmood.
Markii uu soo galay macalinkii xisaabta ayuu ku yidhi “ Macalin su’aalihii aad na siisay waxay ahaayeen qaar aad u adag, waxay igu qaadatay inaan dhameeyo afara maalmood iyo afar bog oo waraaqo ah”.  Professorka ayaa  ku yidhi anigu idinmaan siin su’aalo. Waxaana idiin sheegay laba su’aalood oo ku adkaaday xisaabayahadana. Markii la eegay jawaabtiina waxay noqotay sax. Sidaasi ayuu dadaalku u keena guusha. Hadduu soo jeedi lahaa wuxu aamini lahaa in ay adag yihiin.

Leave a Reply