“Waanu Soo Dhawaynaynaa In Naloo Dhiibay Badii Caddayd Iyo Tii Madoobayd-ba”

0
452

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ayaa soo dhaweeyay iskushaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay Xukuumaddiisa, waxaanu tilmaamay in Madaxweynuhu xaq Dastuuriya u  leeyahay in masuulka uu doono xilalka qaranka u igaman karo.
Xildhibaan Indho-indho oo shalay Warbaahinta kula hadlay xarunta Baarlamaanka, waxa kale oo uu masuuliyiintii xilka laga qaaday ku sifeeyay kuwo muujiyay shaqo wanaag muddadii ay xilka hayeen.
“Isku-shaan-dhayntu waa qoddob Dastuuriya oo ka mid ah awoodaha Madaxweynaha, xaq baanu u leeyahay haddii uu sagaal walaalo ah magacaabayo iyo haddii uu dad kaleba magacaabayo oo iskushaandhayn balaadhan bay ahayd, inkasta oo dawlada cusaybkoodu yar yahay oo intii hore uun la isku shaandheeyay, waxaanu maanta (shalay) haakah baanu leenahay oo Baddii cadayd iyo Baddii madoobaydba waa na loo dhiibay aad baanan ugu faraxsan nahay, Wasiirrada la magacaabayna waanu soo dhaweynaynaa kuwa la bedalayna waxaanu ILAAHAY ka rajaynaynaa inuu wax khayr qaba ugu bedalo rag wanaagsan bay ahaayeen Wasiirrada la bedalay,”ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.
 
“Aad baanan ugu faraxsanahay raga cusub ee la magacaabay, kuwa xilka laga qaadayna waxaanu leenahay rag wanaagsan oo muddo badan soo shaqaynayay bay ahaayeen Xuseen Axmed Cabdulle (Wasiirkii hore ee biyaha) iyo Nuux Sheekh Muuse (Guddoomiyihii hore ee hay’ada shaqaalaha), ILAAHAY-na waxaan uga rajaynaynaa inay xagiisa wax wanaagsan ka helaan.Ta labaad ee meesha taallaana waxa weeyaan Boorama kollay shaqaalaha way ka cabanayeen oo hay’addii shaqaalaha haddii loo dhiibay, iyagana waxaanu leenahay waar keligiin ha is qorina ee annagana na qora oo dadka kale ee beelaha darafyadana qora oo dad kaligood is qora ha noqonina.”
 
 
Xildhibaan Indho-indho waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Samaalle ay duruufo siyaasadeed oo kala duwan ay soo wada mareen, waxaanu yidhi “Cabdicasiis Samaalle Iyo Madaxweyne  Siilaanyo rag aad iskugu fiican bay ahaayeen oo muddo badan soo wada shaqaynayay, waxaanay ila tahay khilaafka iscsilaada gudahoodda ay ka wada hadli doonaan, u malayn maayo in rag sidaa ku kala tagaya inay yihiin waana raga wax badan soo wada maray, waa  rag wakhti badan soo wada joogay weeyaan. Waa laga yaabaa in meelaha la isku bed-badalay aanay filayn in loo bedelo, laakiin waa tabasho Madaxweynaha iyo saaxiibadii u taalla oo mid annaga na khusaysa maaha  oo inuu meelo ka sii fiican u dhiibo wey  dhici kartaa, laakiin horta aynu sugno oo wax laga yaabaa in meelahan kuwo ka sii fiican u dhiibo saaxiibtinimadooda awgeed.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply