“Meeshii Aan Tagaba Waxaa Muhiim Ah Inaan La Shaqeeyo” Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha

0
455

Hargeysa(Dawan):- Taliyaha Cusub ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane),ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad naqay xilka cusub ee uu u magacaabay   oo ah taliyaha ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland waxaanu intaa ku daray in meel ksata oo uu tagaaba ay  tahay shaqo dalka loogu adeegayo isla markaana uu diyaar  u yahay.
Maxamed Xuseen Xiirane oo hore u ahaa taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland oo shalay socdaal shaqo kaga soo noqday dalka Itoobiya,ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal International ee Airport ee magaalada Hargeysa oo ay war baahintu ku waydiisay dareenkiisa iyo sida uu u arko xilka cusub ee uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay waxaa uu yidhi.
“Meeshii aan tagaaba waa meel kale, Madaxweynuhuna wuu ku mahadsan yahay xilkaa uu ii magacaabay, waxaana muhiim ah  in la shaqeeyo”.
Sarreeyo Guuto Maxamed  Xuseen Xiirane oo ka hadlayay socdaalka shaqo ee uu kaga soo noqday shalay dalka Itoobiya waxaa uu yidhi.
“waxaan idiinka mahadnaqayaa sida aad ii soo dhaweyseen ciidankayga wanaagsan ee aanan iloobi doonin ee Asluubta , waxaan u  tegay dalka Itoobiya siminaar shan cisho socday, waanu  noo soo dhamaaday”
.Taliyaha cusub ee ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland sarreeye guuto Maxamed Xuseen Xiirane,ayaa markii Madaxweyne Siilaanyo xilka qaranka qabtay waxa uu u magacaabay Taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland,waxaanu Taliye Xiirane ka dhigay ciidanka Asluubta mid ka dhex muuqda dawladda Somaliland oo soo jiitay indhaha bulshada reer Somaliland isagoo intii uu joogay ciidanka Asluubta wax badan ku soo kordhiyay kana dhigay ciidan muuqda oo shaqeeya kuna dhiiradaan dhalinyaro badani in ay is qoraan ciidanka Asluubta oo markii hore lagaba carari jiray.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply