Weftigii Somaliland Oo Dhiciseeyay Hindiseyaal Soomaaliya Ku Mijo-Xaabinayso Wada Hadaladda Shirka Istanbuul

0
451

Istanbuul (DAWAN)- Shirkii Wada Hadaladii  Somaliland Iyo Soomaaliya ee lagu waday inuu shalay ka furmo magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa baaqday, isla markaana  aan furmin, ka dib markii Ergadii Somaliland ay gaashaanka ku dhufteen inay  la fadhiistaan Soomaaliya  haddii aanay xubnaha shirka u matalaya ka saarin afar xubnood oo ka mid ah ashkhaasta Somaliland ka caasiyowday  oo ka mid ah ergada dawladda Muqdisho.
 
Siday ilo wareedyo Istanbuul ku sugani  xalay  noo caddeeyeen, Weftiga Somaliland ayaa Nidar ku maray in aanay Soomaaliya la fadhiisanayn haddii aan  deg-deg loo soo bedalin xubnaha asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee u shaqo tagay Soomaaliya, arrintaasi oo noqotay ta dib u dhigtay furitaankii shirkaasi.
Xubnaha weftiga Soomaaliya waxa lagu soo daray  afar xubnood oo ka soo kala jeeda  Awdal, Sanaag bari, Sool iyo Barriga Burco.
Weftiga Somaliland oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa gabi ahaan-ba joojiyay inay xataa Salaan  ku kulmaan weftigii Soomaaliya illaa laga saarayo afartaas xubnood.
Somaliland waxay Tallaabadan ku macnaysay in tahay calaamad muujinaysa in Soomaaliya ay doonayso inay carqaladeyso wada hadallada u socda labada dal.
 
Wada-hadaladii  ugu dambeeyay ee labada geesood ku  yeesheen Jabuuti  26-kii illaa 27-kii December ee kal-hore  waxay ku heshiiyeen in kulamada dambe ay ka wada hadlaan mawduucyadda  waaweyn ee masiiriga ah iyo in la fuliyo qodobbadii hore loogu heshiiyay oo ay ka mid tahay maamulka hawaddu.
Weftiga Somaliland waxay miiska soo dhigayeen inay taxaan qodobbada Soomaaliya uga war-wareegayso inay ku camal fasho heshiisyada labada dhinac kala saxeexdeen.
“Annagu diyaar uma nihin mana ogolaanayno dad Somaliland ka soo jeeda oo Xamar tegay lamana fadhiisanayno. Somaliland xuduud cayiman ayey leedahay oo ah dhulkii Ingiriisku haysan jiray, markaa wixii dhulkaas u dhashay ee reer somaliland ah annagu shirkan la fadhiisan mayno, waxaanu la fadhiisanaynaa dadka ah dhulkii Talyaanigu haysan jiray ee Soomaaliya la yidhaa haddana aanu doonayno inaanu laba waddan oo kala gaara oo kala ambabaxa u wada hadalno,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi oo shalay u waramayay BBC-da.
“Dawladda Turkiga iyo Soomaaliya waanu u sheegnay in shirkan dhici doonaa uu yahay shir Somaliland iyo Soomaaliya ah oo labada waddan is hor fadhiisanayaan, Somaliland-na aanay marnaba ogolaanaynin in niman Somaliland u dhashay ay shirka soo fadhiistaan. markaa waxaanu filaynaa inuu noqdo shir lagaga wada hadlo waxyaabihii faraha badnaa ee ay fulin waayeen ee ay ka baxeen qoladda Xamar,”ayuu bayaamiyay Wasiirku.
Waxa kale oo weftiga la shir tageen inay badka soo dhigaan in qadiyadda madax-banaanida Somaliland ay tahay muqadas aan gorgortan geli Karin. Halka Soomaaliya iyaduna ay u xusul duuban tahay inay ajandaheeda ku soo darto wixii la odhan jiray “Midnimadii Soomaaliya” ee calankeedu dhacay.
Weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayo Wasiirka Khaarajigu waxa  xubno ka ah Wasiirrada Xanaanada Xoolaha, Madaxtooyadda, Beeraha, Duulista hawadda, Guddoomiye-ku xigeennadda koowaad ee Goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtidda, Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee Golaha iyo xubno kale.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply