Wargeyska: “Ma Ahi Maraykan, Carab Ayaan Ahay”

0
445

Beeraha Newyork ayuu dhex marayay markii uu arkay Ey dad cun ah oo gabadh yar weerar ku qaaday, ninkaasi ayaa Eygaasi ka difaacay gabadha yar. Laakiin Eyga ayaa isagana weerar ku soo qaaday, waxaana dhex maray dagaal aad u qadhaadh, ugu danbaystii ninkii ayaa dilay Eygaasi dad cunka ah. Nin askari ah oo arkayay ayaa u yeedhay oo ku yidhi :” Waxaad tahay nin geesi ah” Berri wargeyska ka akhri cinwaanka ah “ Nin geesi ah oo reer Newyork ayaa ka nabad geliyay gabadh yar Ey dad cun ah”. Ninka ayaa ku yidhi “ Anigu ma ahi reer Newyork”. Askariga ayaa ku yidhi “ Waxaan ku soo qoraynaa Nin Maraykan ah oo geesi oo gabadh yar ka nabad geliyay Ey dad cun ah “. Ninkii ayaa yidhi anigu ma ahi Maraykan. Askarigii oo yaaban ayaa yidhi oo Adigu yaad tahay? . Waxaanu uu ku yidhi “ Anigu waxaan ahay nin Carab ah”. Subixii danbe waxa wargeyska ku soo baxaya cinwaankan “ Nin Muslim xag jir Carab ah ayaa dilay Ey Miskiin oo aan denbi lahayn”.

Leave a Reply