Maxkamadda Hargeysa Oo Soo Gunaanaday Dacwada Kooxdii Lagu Qabtay Idaacadii Sharci Darrada ahayd

0
353

Hargeysa (DAWAN)- Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa shalay soo gunaanaday  dacwada afar eedaysane oo lagu soo qabtay idaacad sharci darro ah oo la magac baxday BAADI-GOOB  oo ka hadli jirtay magaaladda Hargeysa xilliyada habeenkii, taas oo ciidamadda boolisku gacanta ku soo dhigeen dabayaaqadii bishii Nofember ee sanadkii hore.
Fadhigan  Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex  ku soo khatimaysay afarta eedaysane ee lagu eedaynayo idaacadaasi sharci darada ah oo magacyagoodu kala ahaayeen C/laahi Axmed Diiriye,  Xamse Axmed Xuseen,  Cabdoo  Aar iyo Yoonis Faarax Cismaan, ayaa dhagaysigeeda waxa ka qayb-galay xeer ilaalinta gobolka Maroodi Jeex,  qareenada difaacaya eedaysanayaasha iyo dadweyne kale.
Xeer ilaalinta gobolka Maroodi Jeex ayaa fadhigaasi ka akhriday gal-dacwadeedka eedaysanayaasha, waxaana ay sheegtay in idaacadaasi sharci darrada ah ay ka sii daayeen warar been abuur ah iyo dacaayado dadka lagu kicinayo oo lagaga hor keenayo qaranka Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana ay ku kala  qaybinayeen ummadda reer Somaliland.
 
Qareenada difaacaya eedaysanayaasha ayaa iyaguna  ka difaacayay  eedaymaha ay xeer ilaalinta soo bandhigtay ee lagu eedaynayo eedaysanayaasha, waxaana Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex mudaysay in fadhi dambe oo ay yeelan doonto ku shaacin doonto xukunkooda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply