Shirqoolo Somaliland Ka Dhan ah Oo ay Ku heshiiyeen Kooxda Khaatumo Iyo Dawladda Muqdisho

0
340

Hargaysa (Dawan): -Hor-joogaha  kooxda nabad-diidka ah ee  Khaatumo Cali  Khaliif Galaydh, ayaa  ka waramay nashqadaha dhagaro iyo colaado uu ka taageerayo Madaxweynaha dawladda Soomaaliya, oo uu sheegay inay ka heshiiyeen khilaaf hore ugu dhaxeeyay dawladda Villa Soomaaliya iyo kooxda khaatumo-seeg.
 
Dagaal ooge Cali Khaliif waxa uu sheegay in kulan ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya uu u balan-qaaday inuu ku taageerayo qas iyo colaad kooxdiisu ka hurinayso deegaamo ka mid ah Sool.  “Sida  dadka  siyaasadda  la  socdaa  ay  og-yihiin  aniga  iyo  madaxweynuhu  waanu  is khilaafnay,  arrimo siyaasadeed ayaananu  isku  qabanay.  Haddana  waanu ka heshiinnay oo waxaan ku heshiinay wax Khaatumo dhaqaya.  annaga haddii aan Khaatumo State nahay dad lagu hanuuninayo ma nihin midnimada Soomaaliya,  cid aan marti uga nahayna ma jirto,  waxaanu  qaadanaynaa doorka aan xaqa u leennahay,”ayuu yidhi Cali Galaydh oo u waramay Laanta afsoomaaliga ee BBC-da.
 
Dhinaca kale Mr. Galaydh, waxa uu ka hadlay wadahadaladii  Turkiga ee ka fashilmay dhinaca  maamulka Xamar, waxaanu yidhi “In Somaliland tidhaahdo  dadka shirarka  ka qayb-gelaya  annagaa  xulanayna  oo nalama fara-gelin karo,  dadka dawladdu  soo dirsatayna tallo  ka bixinayna,  haddii sida  aan jecel nahay  aan wax loo wadinna  shirkaan ka  baxaynaa mid  iyaga  dhaqeysa ma aha.”
Taageerrada uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh kula heshiisyay kooxda khaatumo, waa qoddob kale oo dhaawacaya jawigii wada wadahadallada u socday Somaliland iyo Soomaaliya.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply