Wasiirkii Warshadaha Oo Is-casilay

0
419

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirkii Warshadaha Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) ayaa shalay iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Somaliland oo uu tilmaamay inuu isu garan waayay.
Wasiirkii Warshaduhu waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay gurigiisa, waxaanu xusay inuu goo’aansaday inuu ka dhex baxo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku eedeeyay inay wax ka khaldan yihiin, inkasta oo uu ku guul-daraystay inuu soo bandhigo dhaliilaha uu ka hadlay intii uu xasaanadda Wasiirnimo dusha u saarnayd.
Wasiirkii hore ee Warshadaha oo la weydiiyay in is casilaadiisu ay dabo-socoto tii Wasiirkii hore ee Maaliyadda, waxa uu yidhi “Kollay aniga iyo Cabdicasiis Samaalle waxaanu nahay laba qof oo kala duwan, laakiin, way jirtay inaanu hore wax u wada aaminsanayn, imikana sidii bay tahay. Xisbiga waan joogayaa waanan ku jirayaa.”
Abiib Timacad waxa uu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka soo qabtay La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Warshadaha oo uu imika ahaa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply