Qiso: “Gabadh Danbe Hadii Aad Dhasho Waan Dilayaa”

0
727

Waxay ahayd macalimad dugsiyada sare wax ka dhigta, waxayna lahayd aqoon, qurux iyo akhlaaq aad u saraysa.  Ninka kasta wuu ku hamiyi jiray inuu guursado laakiin ma ay yeeli jirin. Maalin ayay asxaabteedu weydiisay sababta ay guurka weli u diidan tahay. Waxayna ku tidhi waxaan idiinka sheekaynaya qisadan ee dhagaysta :” Nin ayay xaaskiisu u dhashay shan hablood oo isku xiga. Waxaana uu u sheegay xaaskiisa haddii ay gabadh kale dhasho inuu dilo doono.    Hooyadii markii lixaadna waxay dhashay gabadh, Odayga ayaa u cadhooday wuxu qaaday gabadhii yarayd ee dhalatay, isagoo hor dhigay masaajidka si loo qaato habeenkii. Nasiib wanaag qofna ma qaadan dhibna ma gaadhin subixii ayuu haddana soo celiyay iyadoo hooyaduna Allah ka baryaysay inu usoo celiyo. Markii uu sidaas sameeyay dhawr habeen ee ay taasi dhici weyday wuu isk dhaaafay.
Hooyadii markii danbe waxay dhashay wiil, laakiin waxa dhimatay inantii u weynayd, mar kale ayay haddana dhashay wiil kale waxaana dhimatay gabadhii ku xigtay. Sidaasi ayay shan wiil ku dhashay iyagoo shantii hablood ee waaweyn ay wada dhinteen. Laakiin waxa nool gabadhii uu doonayay inu dilo. Hooyadii ayaa iyana mar danbe dhimatay. Odaygiina wuxu noqday da’ u baahan gargaar. Gabadhaasi badbaaday miyaad garanaysaan ? Taasi waa anigan idin la hadalaya waxaan u guursan waayay si aan aabahay u xanaaneeyo. Wiilashii uu aabahay jeclaa marmar ayay u yimaadaan. Saacad kasta wuu ooyaya marka uu xususto sidii hablihiisa u necba. Caruurta wiil iyo gabadh kan wax ku taray Allah (sw) ayaa og.

Leave a Reply