Shirkadii u Horaysay Ee Adeega Caymiska Ka Shaqaynaysa Oo Laga Furay Hargeysa

0
366

Hargeysa (DAWAN)-Shirkad casriya oo caymis ah, laguna  magacaabo Takaful Insurance ayaa markii ugu horeeysay dalka laga hirgaliyey.
Munaasibadii lagu daah furaayey Shirkad caymiska ee Takaful, oo si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Shirkadan Cumar Xaaji Xuseen Cumar Xaashi, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed Salaadiin,Culimo awdiin,  Marti-sharaf iyo dadweyne aad u tiro badan.
Guddoomiyaha Shirkada cusub ee Caymis Takaful, Cumar Xaaji Xuseen, ayaa isagu ka ka warbixiyey ujeedada Shirkadan Caymiska loo aasaasay, waxaanu sheegay in Shirkadani wax badan ka tari doonto Horumarka dalka,isla markaana ay ku salaysan tahay Diinta Islaamka, lana jaanqaadi doonto Caalamka, waxaanu yidhi isaga oo ka waramaya Shirkadan iyo adeegyada ay qaban doonto  “Waa markii ugu horeeysay ee Somaliland laga sameeyo Shirkadan oo xalaal ah, oo Culimadii Wadanka ugu mudnayd ay hagayaan, oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, dadka dhabarka noo fadhiya Sheekh Xasan Cabdisalaan, ee uu ka mid yahay Sheekh Soomaliyeed ee caanka ah ee aad wada taqaanaan ee Sheekh Maxamed Cabdi Umul iyo Culimo kale, oo aad u tiro badan, sababta aanu u doornayna ay tahay inay nagu ilaaliyaan wadada saxda ah, Shikradu hadafka ay leedahay waa hadaf ka duwan Shirkadaha kale, inuu bixiyo adeeg dhamays tiran oo Caymis ah, oo ku dhisan xalaal oo diiday wax alale wax ay Shareecada Diinta Islaamku reebtay.”
Mr Cumar waxa uu si kooban u sharaxay qaybaha uu u kala baxayo Caymiska ay bixinayso Shirkadu “caymiska ay shirkadu bixinayso way badan yihiin laakiin waan soo koobayaa ta 1-aad waa Caafimaadka, adeega labaadna waa Caymiska Gawaadhida, waxaanu ugu horeysiinaynaa oo aanu Caymiskooda Siinaynaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo labada gudoomiye oo Kulmiye iyo Waddani, TAKAFUL waa nidaam laysku kaashanayo sidii dhibka looga hortagi lahaa.”
 
Dhinaca kale waxa halkaasi kahadlay Wasiirka diinta iyo Awqaafta oo ka waramay dhinaca diinta iyo siday isku waafaqsan yihiin TAKAFUL “Runtii waxaanu halkan uga soo xaadirnay inaanu dadka ku dhiiri-gelinyo shareecada iyo diinteenna inay ku salaysan tahay aanu u sheegno, sidaa ay shareecada u waafaqsan tahay ayuu ilaahayna inoogu naxariisanayaa, Wuuna ka baabiinayaa baahidii inagu dhici lahayd, Asbaabtiibaynu la imanayanaa, markaa TAKAFUL ha u qaadanina inay ilaahay qadarkiisii ka hor imanayso,” ayuu yidhi wasiirka diinta iyo awqaafta sheikh Khaliil Cabdilaahi Axmed.
 
 
Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Culimo Awdiin, Siyaasiyiintii ka soo qeyb gashay iyo Ganacstadii kuwaas oo guddoomiyaha iyo shirkadaba ku bogaadiyay horumarka ay dalka ku soo kordheen.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply