Black Berry Oo Soo Saartay Mobile Isugu Jira Screen Touch Iyo Keyboard

0
366

Shirkadda Black Berry ayaa soo bandhigtay salaasadii mobile cusub oo ay soo saartay uguna talo gashay dhamaystirkiisa sannadkan aynu ku jirno ee 2015,kaas oo ah nooc ku cusub suuqyadda,waxaanu u shaqayn doonaa sida Screen Touch ka oo kale ,sidoo kalena waxa uu lee yahay Keybord loo isticmaalaay sida caadiga ah.
Waxa kale oo uu lee yahay qayb cusub oo sida xayeysiisyada u samaysan kaas oo uu si automatic ah usoo saaraaya magaca shirkadda.
Telefonkan ayaa qaab ahaan u ekaanaaya SmartPhone Galaxy-ga oo kale,sidoo kalena waxa jira waxyaalo uu kaga duwan yahay ,gaar ahaana isaga oo S6 ah ,waxaana laga maamul karaa hareeraha oo uu ku lee yahay waxyaalo sida keyboard-ka oo kale u shaqaynaaya ,kuwaas oo marba dhinac loo jiidi karaayo.
Warbixin ay soo saartay ayay shirkaddaasi ku sheegtay in mobile kani soo geli doono suuqyadda caalamka isla sannadkan aynu ku jirno,iyaga oo intaasi raaciyey in lagu soo kordhin doono waxyaalo kale oo dheeraada.
Shirkaddu may soo saarin wax warbixin ah oo dheeraada,taas oo ay kaga warbixinayaan hababka cusub ee loo isticmaali doono telefonkan laakin waxay sheegeen oo keliyaata inay soo saari doonaan suuqyaddana soo gelin doonaan telefonkan isla sannadkan.
 
 
 

Leave a Reply