Dubai Oo Laga Dhisaayo Madxaf Noociisu Naadir Yahay

0
357

Waxa magaalada  Dubai laga furay carwo nooceedu ku  cusub yahay suuqyadda caalamka, taas oo loogu talo galay in lagu soo bandhigo waxyaalaha caalamka ku cusub, gaar ahaana waxyaalaha electronics-ka ku shaqeeya ee  Robots-ka lagu magacaabo.
Carwaadan ayaa lagu magcaabaa Museum of the Future,taas oo u gaara qalabyada kala duwan ee caalamka ku cusub, kuwaas oo lasoo saaro ama lasoo saari doono,waxaanay sheegeen kooxaha sameeyey inay noqon doonto meelo lagu soo bandhigo waxyaalaha cusub ee la ikhtiraaaco,gaar ahaana qalabyada electronics-ka ah.
Waxaanay sheegeen masuuliyiinta goobtani inay doonayaan in suuqani noqdo mid soo jiita dadka dalxiiseyaasha ah,sidoo kalena suuqa caalamka ugu weyn ee lagu kala iibsado  qalabkan,waxaanay gaadhaysaa lacagta ku baxday dhismaha suuqaasi lacag gaadhaysa $136 million oo lacagta Maraykanka ah.
Wasiirka Imaaraadka u qaabilsan madaxtooyadda  oo lagu magcaabo Maxamed Al Gergawi ayaa sheegay inay  doonayaan inuu suuqani noqdo mid soo jiita waxyaalaha kala duwan ee lagu sameeyo meelaha kala duwan ee caalamka,waxaanu ku dhex yaalaa suuqani daarta dheer ee Emirates Tower,waxaanay sheegeen inuu qalabka ugu dambeeyaa soo gaadhi doono sannadka 2017.
Magaalada Dubai ayaa doonaysa inay noqoto meel soo jidata saynisyahano badan oo ka kala imanaaya caalamka daafihiisa, sidoo kalena waxay ku dedaalaysaa sida lagu sheegay warbixin la soo saaray inay noqoto xarunta ikhtiraaca ee caalamka.
 
 

Leave a Reply