Buuhoodle:Madax-dhaqameed Loo Xil-saaray Nabadeynta Colaada Kalshaalle iyo Maygaagle

0
475

Hargeysa (DAWAN)- Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle ayaa shalay  lagu qabtay kulan looga arrinsanayey Xaalada colaadeed ee ka taagan deegaanka u dhexeeya Buuhoodle iyo Qorilugud.  waxa kale oo kulankan lagaga wada tashanayey in laga jawaabo baaq ay Isimada Buuhoodle soo gaadhsiiyeen Odayaasha beelaha Barriga Burco oo hada ku sugan magaalada Quri-lugud.
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Isimada gobolka Buuhoodle ayna ka soo qayb galeen inta badan Wax-garadka gobolka ayaa Isimadu ku soo bandhigeen Baaq uga yimid odayaasha beesha Barriga Burco oo ay sheegeen inay ka codsadeen in la isu yimaado si looga wada hadlo nabadaynta labada dhinac ee maalmo ka hor uu iska hor imaadka sababay dhimashada iyo dhaawacu ku dhex maray deegaanka maskax-buqle oo u dhexeeya Buuhoodle iyo Qorilugod.
Intaas kadib ayaa madax-dhaqameedkii  shirkaas ka qeyb-galay  go’aamiyeen in Guddi ka kooban 11 Xubnood oo ay hoggaaminayaan  Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali loo saaro la kulanka waxgaradka beesha Barriga Burco.
“11 Xubnood oo ka kooban labada Isim iyo 9 oday ayaa loo saaray arrintaas waxaana gudigaasi Beesha  beesha Habar-jeclo ku wargeliyeen inay ku kulmaan meel ka mid ah Xadka Ethiopia oo labada dhinacba u wanaagsan,” ayuu yidhi mid ka mid ah Guddidii shirkaasi lagu magacaabay oo xalay la hadlay wargeyska DAWAN.
Guddida reer Buuhoodle u saareen arrintan  ayaa isugu jira, Isimo, Cuqaal, odayaal iyo waxgarad kale kuwaasoo kala ah.
Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duraan,Suldaan Siciid Cismaan Cali,Caaqil Xasan X Haaruun,Caaqil Cabdisamed Cali Xasan,Caaqil Cabdilaahi Xasan Qambi, Oday Maxamed Jaamac Biixi, OdayMaxamed Ciise (Dirays), Siciid Khaliif Xagar, Oday Cabdinaasir X Cabdilaahi Budhcad,Oday Aadan Cali Axdar,Oday Cabdi Maahiriyo laba Xubnood oo wali aan magacyadooda la soo gudbin.
By: Faysal Kaarshe
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply